Aqoon-isweydaaarsi ay soo qaban qaabisay hay’adda CCD oo maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne


Khamiis, Feberaayo, 09, 2012 (HOL)-- Aqoon-isweydaarsi ay soo qaban qaabisay hay’adda CCD, oo ay ka soo qeyb-galeen qeybaha bulshada ku dhaqan gobollka Hiiraan ayaa maanta lagu soo qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

 

Aqoon-isweydaarsiga oo looga dooday qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen soo calinta nabada, dhismaha maamul laga wada qeybgalo, doorka dhaqanka iyo hormarinta adeegyada kala duwan ee bulshada, ayaa dhinacyadii ka qeyb-galay dhamaantood waxaa ay soo jeediyeen aragtiyo kala duwan oo sal u ahaa qodobada doodu ku saabsaneyd.

 

Ugaas Cali Ugaas Xassan Ugaas Raagge oo wakiil ka ahaa duub-ka dhaqanka gobollka Hiiraan oo ka hadllay aqoon-isweydaarsiga, ayaa sheegay in ay muhiim tahay soo calinta dhaqan-ka oo saldhig u ah hormarinta adeegyada kala duwan ee bulshada oo uu ka mid yahay in la helo maamul ku dhisan sinaan iyo cadaalad.

 


Ka qeyb-galayaasha ayaa mar ay soo hadal qaadeen qodob-ka la xiriira soo celinta nabada waxaa ay sheegeen in ay ku xiran tahay mar walba wada hadal iyo in leysku tanaasulo, iyadoo wax walba lagu saleynayo ku dhaqan-ka shareecada Islaam-ka iyo dhaqan-ka suuban ee Soomaaliyeed.

 

Afhayeen gollaha odayaasha dhaqan-ka gobollka Hiiraan nabadoon Xusseen Cilmi Dhaqane oo ka mid ahaa dhinacyadii ka hadllay aqoon-isweydaarsiga, ayaa sheegay muhiimada mar walba odayaashu u leeyihiin ka qeyb-galka dhimaha maamul ku saleysan cadaalad iyo soo celinta nabada, isaga oo sheegay in dhaqan-ku yahay kan mar walba ka tarjuma hormarka bulsho leedahay.

 

Xaleemo Xaaji Cismaan oo ka mid aheyd haweenkii ka qeyb-galay aqoon-isweydaarsiga ayaa ka hadashay baahida loo qabo soo celinta nabad-galyada, dhimaha maamul cadaalad ku saleysan iyo waliba hormarinta adeegyada kala duwan ee bulshada, waxaana ay carab-ka ku dhuftay in haweenku door wanaagsan ku leeyihiin ka qeyb-qaadashada dib u soo nooleynta nabada.

 


Sidoo kale aqoon-isweydaarsiga ay soo qaban qaabisay hay’adda CCD ayaa waxaa ka qeyb-galay culima’udiin oo uu ka mid ahaa Xaaji Cumar C/dulle Cismaan oo dhinaciisa hadal ka jeediyay aqoon-isweydaarsiga.

 

Kulanka ama aqoon-isweydaarsiga maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ayaa noqonaya kii horeeyay ee noociisa ah oo ay hay’addu ka fuliso magaalada Beledweyne sanadihii ugu danbeeyay.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Beledweyne, Soomaaliya.