Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay sii wadayso qaraxyada ay la beegsanayso xarumaha dowladda ee ku yaalla Muqdisho, kaddib markii ay sheegteen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay baar shaaha lagu cabo oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.
Afhayeenka ciidamada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in weerarrada ay ka geysanayaan Muqdisho iyo beegsiga xubnaha dowladda aysan ka daalayn, isagoo sheegay in qaraxyo kale ay fulinayaan dhawaan.
"Qaraxii shalay wuxuu ahaa mid lala beegsaday xildhibaanno iyo ciidamo sirdoon ah, wuxuuna u furay sidii loogu talogalay," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab oo intaas ku daray: "Inta aan hubno qaraxaas waxaa ku dhintay 15-qof, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen."
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in weerarkan uu ahaa mid goobta lagu sii diyaariyay, isagoo dadka dhintay ku tilmaamay xubnihii ay beegsanayeen, balse dadka goobta ku dhintay ayaa waxay ahaayeen shacab baarka shaan ka cabayay.
Weerarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu labaad ee ugu khasaaraha badnaa oo ka dhaca Muqdisho tan iyo markii Al-shabaab ay ku dhawaaqday bishii Ogoosto ee sannadkii hore inay isaga baxday qaybo badan oo ay Muqdisho kaga sugnayd.
Dhanka kale, wasiirro u hadlay dowladda KMG ah iyo maamulka gobolka ayaa xusay in weerarkan uu digniin u yahay, ayna adkeynayaan ammaanka, iyagoo dadka ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa inay qaraxyo kale oo noocan oo kale ah dhacaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya