MADAXWEYNE SIILAANYO: "Waanu ka xunnahay Wixii soo gaaray dadka Somaliland, waxaana ku baaqaynaa wadahadal"


Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo


Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayey madaxweynuhu oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyey kullamo uu la yeeshay madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’isal wasaaraha Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa waxa garoonka ku soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shirgudoonka labadda gole Baarlamaan, xildhibaano iyo marti sharaf kale.

"Waxaanu magaalada Addis Ababa kula kulanay Ra'iisal wasaaraha Itoobiya iyo madax kale oo ka tirsan dawladda Itoobiya, waxyaabaha aanu ka wada hadlaynay waxa ka mid ahaa dano la xidhiidha Nabad-gelyada iyo wax wada qabsiga labada dal, si wanaagsan ayaanu iskugu af garanay waxyaabihii aanu ka wada hadalay"ayuu yidhi Madaxweynaha oo ka hadlay kulamadii uu la yeeshay Ra’isal wasaaraha Itoobiya.

Mar uu ka hadlayey qaabkii loo soo dhoweeyey weftiga waxa uu yidhi "Waxa Itoobiya naloogu soo dhaweeyay si aad iyo aad u wanaagsan wixii aanu ka wada hadalay madaxdii aanu la kulanayna waanu isku af-garanay, "

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay kulan uu la yeeshay madaxweynaha Jabuuti, Md: Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo kulankaasi ka hadlaya waxa uu yidhi " Jabuutina waxaanu kula kulanay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle , Jabuutina waa dal aynu daris nahay oo saaxiib nahay isagana waxaanu ka wada hadalay danaha labada dal. Mana jirto wax dhibaato ah oo ina dhex yaalay inaga iyo Jabuuti,"

Madaxweynaha waxa kale oo uu ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Deegaanka Buuhoodle, waxaanu ku baaqay in nabadgalyo lagu soo dabaalo, isla markaana xabada la joojiyey.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in labadda dhinac khasaaraha soo gaadhay ay yihiin mid shacabka Somaliland soo gaadhaya, isla markaana uu ka xun yahay dhibaato ka dhacda Deegaankaasi, isago arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "waanu ka xunahay waxa ka dhacay deegaankaas, Waanu ka xunahay waxa soo gaadhay dadka Somaliland dhinac kastaba ha noqotee" ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray "markastana hadaanu nahay dawladda Somaliland waxa aanu shacab weynaha reer Somaliland khaas ahaan gobolladda bari iyo haday tahay kuwa wax tabanaynaba aanu ugu baaqaynaa oo aanu mar horena aanu ugu baaqnay wanaag iyo nabadgelayo, dalkeenana nabad gelyo ayaanu ugu baaqaynaa, Cidii aan Somaliland ka tirsanayn waxaanu u soo jeedinaynaa inay dalkayaga faro-gelinta ka daayaan."ayuu raaciyey madaxweyne Axmed Siillaanyo.

Madaxweynhu Waxa uu xusay in la dhaafay wakhtigii dagaalka iyo gacan hadalku shaqayn jiray, sidaa darteed wax kasta lagu dhameeyo wada hadal iyo wada tashi, waxaanu labadda dhinac wixii soo kala gaadhay ku tilmaamay wax shacabka Somaliland soo gaadhay, isla markaana aanay ahayn wax lagu farxo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland