Axad, December 30, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa laba maado oo cusub kusoo kordhiyay waxbarashada dugsiyada ku yaalla deegaannada uu maamulkaas ka taliyo, waxaana labadan maaddo ay kala yihiin maaddo lagu baranayo nabadda iyo mid lagu baranayo dimuqraadiyadda.
Wasaaradda waxbarashada ee Puntland ayaa shaaca ka qaadday in maadooyinkan lagu kordhin doono maaddooyinka waxbarashada dugsiyada kala duwan ee Puntland ku yaalla, si maskaxda dhallinyarada looga dhiso labadan maaddo.
"Lagama maarmaan ayay noqotay in labadan maaddo ee ku saabsan nabadda iyo dimuqraadiyadda lagu daro manaahijta waxbarasho ee ka baxa dugsiyada Puntland," ayuu yiri agaasimaha wasaaradda waxbarashada ee Puntland, Maxamed C/wahaab oo saxaafadda la hadlay.
Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa lagu soo bandhigay shalay oo Sabti ahayd buug lagu magacaabay hagaha macallinka kaasoo ka hadlaya nabadda, dimuqraadiyadda iyo maamul-wanaagga, waxaana buuggan soo saaristiisa iska kaashaday hay’adda horumarka iyo cilmi-baarista ee Puntland iyo hay’adda Inter Peace.
Macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada Puntland iyo ardayda ayaa si weyn u soo dhaweeyay maadooyinka cusub ee lagu soo kordhiyay manhajka waxbarasho ee Puntland, iyadoo Puntland ay noqonayso deegaannadii ugu horreeyay oo laga hir-geliyo in waxbarahada lagu daro maaddo ka hadlaysa nabadda.
Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan ansixisay nidaamka xisbiyada badan oo looga gudbayo habkii hore ee awoodda lagu qaybsan jiray, taasoo ku dhisnayd qabiil iyadoo tani ay sahlayso in mas'uulka u tartamaya hoggaaminta Puntand ay shacabku soo doortaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Manhajka waxbarashada Puntland oo lagu kordhiyay Maadooyinka gaar ah oo ka hadlay Nabadda iyo Dimuqraadiyadda
More News
- Wasiirka Amniga Puntland oo ka digay in Hoteellada lagu qabto shirar looga soo horjeedo Ammaanka Puntland
- Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari oo xukunno ku ridday 17 qof oo ku eedeysnaa Burcad-badeednimo [Sawirro]
- Mudaharaad lagu diidan yahay dib u dhaca ku yimid Doorashadii Maaryariinta Degmada Saylac oo ka dhacay Boorama
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Isbitaalka Baladweyne kulan wadatashi ah kula yeeshay Qeybaha Bulshada
- Xildhibaannada Baarlamaanka oo ansixiyay Miisaaniyadda ay Xukuumaddu ku shaqeynayso sannadka soo socda ee 2013
- Madaxweynaha Puntland : "Muddo aanu kororsanay ma jirto, shantii sano ee nalagu doortay baan dhameynaynaa"
- Magacyada Tahriibayaashii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday shilkii ka dhacay dalka Liibiya oo lasoo bandhigay
- Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo ay Maalin walba kasoo dagaan dad ka imaanaya Magaalada Nairobi