3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2012
Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo ay Maalin walba kasoo dagaan dad ka imaanaya Magaalada Nairobi

Axad, December 30, 2012 (HOL) — Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa ah mid aad u mashquul badan dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay iyadoo halkaas ay kasoo degaan maalin walba in ka badan 100 qof oo kasoo ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa sheegay inay kordhiyeen duulimaadyadii ay kaga imaan jireen magaalada magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaddib markii xukuumadda dalkaas ay amar ku bixisay in Soomaalida aan sharciga lahayn ay dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiga.

Qaar ka mid ah Soomaalidii kasoo laabtay dalka Kenya ayaa sheegay inay go’aansadeen inay dalkooda kusoo laabtaan kaddib markii lagu amray inay isaga baxaan dalka Kenya.

Sidoo kale, xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ay Soomaalidu daggan tahay ayaa waxaa laga dareemayaa buuq fara badan, iyadoo goobaha laga goosto tigidhada diyaaradaha iyo kuwa basaska lagu arkayo dadweyen fara badan oo doonaya inay tigidho iibsadaan.

“Maalin walba waxaa baxa dad fara badan, waxaana kordhinnay basaska maalin walba u baxa deegaannada ku dhow xuduudda ay wadaagaan Somaaliya iyo Kenya. Dadka dalkooda u laabanaya waxay wataan alaabo badan waxayna taas keentay in albaaba si jaban looga iibsado maadaama ay baxayaan,” ayuu C/risaaq Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda basaska ee Muxsin oo la hadlayay BBC-da.

Xaliimo Abuukar Maxamed oo iyada iyo qoyskeeda ay u soo ambabaxayeen xarunta Soomaaliya ee Muqdisho ayaa iyaduna BBC-da u sheegtay inay go’aan ku gaareen inay u soo guuraan Muqdisho oo aysan dib dambe ugu soo laaban Nairobi.

Dadka Soomaaliyeed ee isaga soo baxaya Niarobi ayaa waxay ku wajahan yihiin qaarkood magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya, sida magaalada Gaalkacyo iyo magaalada Boosaaso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/30/2012 1:14 PM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka gobolka Bari, islamarkaana uu kasoo qayb galay wasiirka amniga Puntland, ayaa maanta ka dhacay xarunta dowladda hoose ee degmada Boosaaso.

12/30/2012 11:30 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Bari - laanteeda magaalada Boosaaso- ayaa maanta xukuno kala duwan ku riddey eedaysaneyaal ay tiradoodu 17 qof gaareyso, kadib markii lagu helay ku lug lahaanshaha falal Burcad-badeednimo.

12/30/2012 6:59 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Mudaharaad balaadhan ayaa maanta ka dhacay magaalada Boorame ee gobolka Awdal, kaasoo lagu diidan yahay sababta illaa hadda loo dhaarin laayahay maayarkii iyo ku xigeenkii degmadda Saylac oo khilaaf ka taagan yahay.

12/30/2012 6:56 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdifataax Xasan Afrax ayaa maanta kulan ballaaran kula qaatay gudaha isbitaalka magaalada Baladweyne qeybaha bulshada iyo guud ahaa shaqaallaha isbitaalka, kadib markii ay joojisay hay’adda MSF gacantii ay sii jirtay isbitaalka guud ee Baladweyne.

12/30/2012 6:44 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa laba maado oo cusub kusoo kordhiyay waxbarashada dugsiyada ku yaalla deegaannada uu maamulkaas ka taliyo, waxaana labadan maaddo ay kala yihiin maaddo lagu baranayo nabadda iyo mid lagu baranayo dimuqraadiyadda.

12/30/2012 6:06 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Xidlhibannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyadda ay xukuumaddu ku shaqeyn doonto sannadka soo socda ee 2013, kaddib markii wax ka bedel lagu soo sameeyay qodobbadii ay mudanayaashu doodda adag ka yeesheen kuna diideen isla todobaadkan miisaaniyada.

12/30/2012 5:43 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole) oo khudbad ka jeediyey xaflad lagu soo xirayey olole caafimaad oo lagu qabtay Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay arimo badan.

12/30/2012 1:02 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Iyadoo shalay ay ku dhinteen dalka Liibiya 16-qof oo tahriibayaal Soomaali ah ayaa waxaa lasoo bandhigay magacyada maydadkii dadkaas, iyadoo xaaladda saddex ka mid ah kuwii dhaawacmayna aad looga dayrinayo.