Axad, December 30, 2012 (HOL) — Iyadoo shalay ay ku dhinteen dalka Liibiya 16-qof oo tahriibayaal Soomaali ah ayaa waxaa lasoo bandhigay magacyada maydadkii dadkaas, iyadoo xaaladda saddex ka mid ah kuwii dhaawacmayna aad looga dayrinayo.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya, C/qani Maxamed Wacays oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in magacyada dadka la helay aysan qaarkood ahayn kuwo dhameystiran, balse ay soo bandhigi doonaan sawirradii laga qaaday si ay waalidiintood u aqoonsadaan sawirrada.
Magacyada wiilasha geeriyooda oo ahaa 10-qof ayaa waxay kala yihiin: Cali Cabdulle Xirsi, Xasan Cismaan Jeylaani, Maxamed-deeq Barkhad Cali, C/raxiin, Askar, Muuse, Sugaal, Siciid, Axmed iyo Axmed Kheyr.
Sidoo kale, gabadhaha ku dhitay shilkan ayaa waxaa magacyadooda oo qaarkood lasoo gaabiyay ay kala yihiin, Sacdiyo Maxmuud Xasan, Aasiya Cusmaan maxamed, Dahabo, Xaawo, Saamiya, Yaasmiin iyo Xaawo.
Shilkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu xumaa ee ka dhaca dalka Liibiya, iyadoo danjiruhu uu sheegay in dadka dhaawaca ah ay intooda badan yihiin kuwo fudud, dhammaantoodna lagu daweynayo isbitaallo ku yaalla dalka Liibiya.
Dhanka kale, danjiraha Soomaaliya ee dalka Liibiya wuxuu sheegay inay la socdeen dadka Soomaalida ah toddoba qof oo u dhashay dalka Ertirea, kuwaasoo laba ka mid ah ay ku dhinteen shilka, inta kalena ay dhaawacyo soo gaareen.
Maydadka dadkii ku dhintay shilka ee Soomaalida ahaa ayaa qaarkood shalay lagu aasay deegaankii uu shilku ka dhacay oo 150-km dhinaca bari ka xigta magaalada Tripoli ee ah caasimadda dalka Liibya.
Dalka Liibiya ayaa wuxuu marin u yahay tahriibayaasha Afrikaanka ah ee u tallaaba dalalka ku yaalla Koonfurta Qaaradda Yurub oo ay ka mid yihiin Talyaaniga iyo jasiiradda Malta, waxaana tahriibayaashaas u badan Soomaali.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Magacyada Tahriibayaashii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday shilkii ka dhacay dalka Liibiya oo lasoo bandhigay
More News
- Wasiirka Amniga Puntland oo ka digay in Hoteellada lagu qabto shirar looga soo horjeedo Ammaanka Puntland
- Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari oo xukunno ku ridday 17 qof oo ku eedeysnaa Burcad-badeednimo [Sawirro]
- Mudaharaad lagu diidan yahay dib u dhaca ku yimid Doorashadii Maaryariinta Degmada Saylac oo ka dhacay Boorama
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Isbitaalka Baladweyne kulan wadatashi ah kula yeeshay Qeybaha Bulshada
- Manhajka waxbarashada Puntland oo lagu kordhiyay Maadooyinka gaar ah oo ka hadlay Nabadda iyo Dimuqraadiyadda
- Xildhibaannada Baarlamaanka oo ansixiyay Miisaaniyadda ay Xukuumaddu ku shaqeynayso sannadka soo socda ee 2013
- Madaxweynaha Puntland : "Muddo aanu kororsanay ma jirto, shantii sano ee nalagu doortay baan dhameynaynaa"
- Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo ay Maalin walba kasoo dagaan dad ka imaanaya Magaalada Nairobi