Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa kasoo cusboonaaday gobolka Jubada hoose kadib markii ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay ku weeraraan saldhigyada ay xoogagga Al-shabaab ku leeyihiin Jubooyinka.
Wararka aynu ka heleyno degmada Afmadow ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya ay u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Janaa C/dalle oo qiyaastii 60 KM u jira magaalada Kismaayo halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin dagaalyahannada Al-shabaab.
Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ee ku sugan Jubooyinka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni la gudoonsiiyay mushaaraadkoodii dhawaan ay duulaan ku qaadi doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Guddoomiyaha Al-shabaab ee Jubooyinka Sheekh C/raxmaan Xudeyfa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ay u guuldareeysteen qorshahoodii ahaa in ay gacanta ku dhigaan Kismaayo, wuxuuna sheegay in ay siweyn ugu diyaargaroobeen dhawaanana duulaan ku yihiin degmooyinka ay ciidamada huwanta ah kaga suganyihiin Jubooyinka.
Xiisadahan dagaal ee kasoo cusboonaaday gobolka Jubada hoose ayaa siweyn looga dareemayaa magaalada Kismaayo, iyadoona xoogagga Al-shabaab ay wadaan abaabullo ciidan oo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan gulufka colaadeed ee kusoo fool leh.
Saraakiisha dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa marar badan ku hanjabay in ay gacanta ku dhigi doonaan magaalada Kismaayo, haseyeeshee waxa uu dib u dhac ku yimid qorshihii dagaal ee ciidamada isgarabsanaya waxaana saraakiisha dowladda ee Jubooyinka ay istaraatijiyo dagaal ku tilmaameen dib u dhaca ku yimid howlgalladii ay ku doonayeen in ay ku weeraraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo abaabullo dagaal oo laga dareemayo Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose
More News
- Kenya iyo Shirkado shidaalka baara oo looga digay in ay shidaal ka qodaan badda Soomaaliya
- Guddiga Farsamada ee Xulida Baarlaaanka oo sheegay in Xildhibaannada ay hayaan ay kor u dhaafayso 250 xubnood
- Ururka IGAD oo Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu baaqay inay soo gabgabeeyaan howlaha ka harsan xilliga Ku-meel-gaarka
- Hay'adda SHARDO oo Boqol Dhallinyaro ah u soo Gabgabeysay Tababar lagu barayay Aqoon la xiriirta Ganacsiga
- Madaxweynaha Dhawaan la doortay ee Maamul Goboleedka Galmudug oo booqasho ku jooga Degmada Hobyo
- Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo oo Rajo weyn ka qaba in Dowladda la dhisayo ay isbedel kusoo kordhiso Deegaankooda
- Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo dib loo dhigay iyo Murashaxiin badan oo u Taagan xilalkan
- Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo howlgal ay dad ku dileen ka sameeyay degmada Hodan iyo Farsamayaqaan la dilay