Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug ee dhawaan la doortay Jen Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ayaa lugtiisii ugu horeysay tan markii xilka loo magacaabay waxaa uu booqasho ku joogaa degmada Hobyo ee gobollka Mudug.
Cabdi Qeybdiid oo warbaahinta la hadlayay isaga oo ku sugan Hobyo ayaa ku sheegay ujeedada socdaalkiisa sidii uu wax badan uga ogaan lahaa xaalada degmada Hobyo oo la sheego in ay xarun u tahay kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
"Runtii xaalada degmada sidii naloogu fasirayay ma’aha, waa degmo dhisan oo homar dhinacyo badan ah sameyneysa, gudaheedana hadda wax burcad badeed ah oo aan ku aragnay ma jiraan," ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.
Waxaa uu sheegay Cabdi Qeybdiid in ay jiraan maraakiib iyo dad shisheeye ah oo afduub loo heysto, laakiin sida uu hadalka u dhigay kooxaha burcad badeedu la tageen deegaanno ka baxsan Hobyo, isaga oo ugu baaqay burcad badeeda in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u sii daayaan maraakiibta iyo shaqsiyaadka ay afduubka ku heystaan.
Jen Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ayaa olalihiisii doorashada Galmudug ku soo galay in hadii la doorto uu wax badan ka qaban doono kooxaha burcad badeeda ku sugan deegaannada hoos taga maamul gobolleedka, laakiin waxaa muuqata in arrinta burcad badeednimadu tahay mid caalami ah oo ka baxsan awooda maamulka Galmudug.
Dhinaca kale Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in ay dadka deegaannka Hobyo ka wad hadlleen sidii ay u sameysan lahaayeen maaamul ay iyaga soo doorteen, madaama uu hadda halkaa ka jiro maamul uu horay u magacaabay madaxweynihii hore Max’ed Axmed Caalin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Madaxweynaha Dhawaan la doortay ee Maamul Goboleedka Galmudug oo booqasho ku jooga Degmada Hobyo
More News
- Kenya iyo Shirkado shidaalka baara oo looga digay in ay shidaal ka qodaan badda Soomaaliya
- Guddiga Farsamada ee Xulida Baarlaaanka oo sheegay in Xildhibaannada ay hayaan ay kor u dhaafayso 250 xubnood
- Ururka IGAD oo Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu baaqay inay soo gabgabeeyaan howlaha ka harsan xilliga Ku-meel-gaarka
- Dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo abaabullo dagaal oo laga dareemayo Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose
- Hay'adda SHARDO oo Boqol Dhallinyaro ah u soo Gabgabeysay Tababar lagu barayay Aqoon la xiriirta Ganacsiga
- Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo oo Rajo weyn ka qaba in Dowladda la dhisayo ay isbedel kusoo kordhiso Deegaankooda
- Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo dib loo dhigay iyo Murashaxiin badan oo u Taagan xilalkan
- Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo howlgal ay dad ku dileen ka sameeyay degmada Hodan iyo Farsamayaqaan la dilay