Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen deegaanka Zone K ee degmada Hodan waxay ku dileen saddex qof oo lagu sheegay inay ahaayeen kooxo falal ammaan-darro ka waday degmadaas, iyagoo sidoo kale dhaawacay laba qof oo haweeney ku jirtay.
Howgalladan ayaa la sheegay inay fuliyeen ciidammo gaar ah oo dowladdu ay u xushay inay ammaanka Muqdisho sugaan, waxaana dadka deegaankaas ay sheegeen in howgalkan uu ku yimid cabashooyin ay dhowr jeer u gudbiyeen maamulka degmada Hodan.
Inkastoo howgalka aanay dowladdu ka hadlin haddana wuxuu kusoo beegmay xilli ay cabashooyin badan dadka deegaanka Zone K ka muujiyeen koox ku labisan dharka ciidamada dowladda oo dhac joogto ah ku hayay.
Deegaanka Zone K oo ka dambeeyay isbitaalkii hore ee Digfeer ayaa waxaa dagay dad badan oo kasoo barakacay duleedka Muqdisho, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in guryaha loogu geli jiray lagana qaadan jiray waxay haystaan.
Lama oga in howgalkaan uu sii socon doono iyo in kale, waxaana deegaankan uu qayb ka yahay degmooyinka gobolka Banaadir ee ay ka dhacayaan falalka amniga wax u dhimaya sida dilalka qorsheysan iyo dhaca.
Dhanka kale, kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa xalay toogasho ku dilay nin tola kabaha oo lagu magacaabi jiray, Cali Xuseen Faroole iyadoo sidoo kalena ay kooxaha hubeysan dhaawac u geysteen nin kale oo isaguna farsamo yaqaan ahaa.
Weerarka lagu dilay farsamayaqaanka midka kalena lagu dhaawacaya ayaa wuuxu ka dhacay goob lagu caweeyo oo ku taalla degmada Xamarjajab, iyadoo kooxaha falka geystay ay baxsadeen, cid loo qabtay iyo cid sheegatay mas'uuliyadda dilkana ma jirto.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo howlgal ay dad ku dileen ka sameeyay degmada Hodan iyo Farsamayaqaan la dilay
More News
- Kenya iyo Shirkado shidaalka baara oo looga digay in ay shidaal ka qodaan badda Soomaaliya
- Guddiga Farsamada ee Xulida Baarlaaanka oo sheegay in Xildhibaannada ay hayaan ay kor u dhaafayso 250 xubnood
- Ururka IGAD oo Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu baaqay inay soo gabgabeeyaan howlaha ka harsan xilliga Ku-meel-gaarka
- Dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo abaabullo dagaal oo laga dareemayo Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose
- Hay'adda SHARDO oo Boqol Dhallinyaro ah u soo Gabgabeysay Tababar lagu barayay Aqoon la xiriirta Ganacsiga
- Madaxweynaha Dhawaan la doortay ee Maamul Goboleedka Galmudug oo booqasho ku jooga Degmada Hobyo
- Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo oo Rajo weyn ka qaba in Dowladda la dhisayo ay isbedel kusoo kordhiso Deegaankooda
- Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo dib loo dhigay iyo Murashaxiin badan oo u Taagan xilalkan