4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2011
Dawladda Kenya oo si toos ah u taageertay, weerarka ay ciidamadoodu ku galeen Soomaaliya

Talaado, October 18, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Golaha wasiirrada ee dalka Kenya oo maanta isugu yimid shir degdeg ah  ayaa si aan qarsoodi lahayn  u taageeray weerarka ay Kenya ku tilmaantay inuu yahay mid ay ku bartilmaameedsanayso xarakada Alshabaab oo ay ciidamadeedu ku galeen gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha  dalka Kenya  Mwai Kipkai oo isugu gudoominayay kulanka  golaha xukuumadda  ayaa ammaan u soo jeediyay  wax uu ku tilmaamay tallaabada ay ciidamada qalabka sida ka qaadayaan kooxda Alshabaab.

Kipaki waxaa u sidoo kale tacsi u diray qoysaskii ay askartii ku geeriyootay diyaaradii burburtay oo uu sheegay inay ahaayeen geesiyaal naftooda u huray difaacitaanka qarankooda.

Golaha wasiirada ayaa qoraal ay soo saareen kulanka kadib  tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen 5 askari oo ku dhintay diyaarada ku burburtay  meel u dhow  magaalada Libooyo, taasoo ay Kenya burburkeeda ku sheegtay cillad xaga farsamada ah.

Inkastoo uu wasiirka difaaca ee Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji uu beeniyay galitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya, ayaa haddana ay muuqataa in arrintaasi ay tahay mid aan la dabooli Karin iyadoo guud ahaanba laga dheehan karo Kenya inay noqotay waddan xaalad dagaal ku jira.

Saxaafadda Kenya ayaa si wayn u hadal haysa  galitaanka ciidamadooda ee gudaha Soomaaliya, iyadoo Taleeefishinada dalku ay ku qoreen shaanshadahooda “Kenya  at  War”  oo micniheedu yahay Kenya oo ku jirta xaalad dagaal, halka wargeysyaduna ay arrintan ku tilmaameen weerarkii ugu horreeyay ee taariikhda Kenya ku qaado waddan daris la ah.

 
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya