Talaado, Oktoobar 18, 2011 (HOL) — Iyadoo ay isa soo tarayaan Deeqaha lacageed ee soo gaaray deegaanka iyo weliba howlaha loogu gurmanayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartey dhibaatooyinka Abaaraha ee ka taagan Gobolka ayaa maalmahii ugu dambeeyey Deeq lacageed oo ka timid Jaaliyada Soomaalida ee Dalka Masar,gaar ahaan kuwooda degan Magaalada Qaahira ayaa waxaa Raashin Gargaar ah loogu iibiyey Qoysas ku dhibaateysan Kaamamka Barakacayaasha ee ku yaala daafaha Magaalada Baardheere.
C/risaaq Xaaji Xuseen Cambe ooah Ganacsade ay soo Wakiisheen Jaaliyada Soomaalida ku nool dalka Masar ayaa Warbaahinta u sheegay deeqdani lacageed oo dhamayd ilaa $4000(Afar kun oo dolor) in ay raashin gargaar ah ugu iibiyeen dad gaaraya 164 Qoys oo ah Qoysas Barakacayaal ah,kuwaasi oo uu sheegay in Qoys weliba ay siiyeen Raashin ku filan mudo Bil ah.
Raashinka Gargaarka ah ee la siiyey Qoysaskani oo ku xoolo beelay Abaaraha oo isugu jira haween iyo dad kale oo da,ah ayuu sheegay in noocyadiisu ay ka kooban yihiin Bur,Bariis iyo Saliid,isagoo tilmaamayna kaalmada loo fidiyey Qoysaskani in wax weyn ay ka tareyso Noloshooda,maadama mudooyinkii ugu dambeeyeyba Qoysakani ay ka cabanayeen dhibaatooyin adag oo dhinaca Nolosha ah.
Sidoo kale qaar ka mid ah Qoysaskii loo qeybiyey Gargaarkani ayaa waxaa ay sheegeen in ay si weyn u soo dhaweynayaan gargaarka bini'aadinimo ee ah dhinaca Raashinka ah ee loo qeybiyey, iyagoona dhinaca kalena u mahadceliyey Jaaliyada Soomaalida ee dalka Masar oo deeqdani soo gaarsiisey.
Goobtii lagu qeybinayey Raashinka Gargaarka ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Gudiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Gedo,iyagoo ugu mahadceliyey Jaaliyada Masar,gaar ahaan kuwooda ku nool Magaalada Qaahira gargaarka ay u fidiyeen walaalahooda ku dhibaateysan Gobolka Gedo.
Axmed Cumar Saalixi
Baardheere, Gedo
Deeq lacageed oo ka timid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar oo loo qaybiyay dadka ku dhibaateysan degmada Baardheere
More News
- Ammaannka Nairobi oo la adkeeyay, kadib hanjabaadihii Alshabaab
- Dawladda Kenya oo si toos ah u taageertay, weerarka ay ciidamadoodu ku galeen Soomaaliya
- Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo Muqdisho ka dhacay
- Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo isu garabsanaya la dagaallanka Al-Shabaab
- Wariye Faarax Blue oo loo doortay xubin ka mid ah guddiga fulinta saxafiyiinta caalamiga ah ee FCA
- Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo buuxiyay degmada Afmadow si ay ula dagaalamaan ciidamada Kenya
- Sheekh Xasan Turki oo sheegay in Kooxda Raaskambooni oo uu horay uga tirsanaa ay la mid yihiin dowladaha cadowga ah
- Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga Kenya oo Muqdisho shir kula leh Madaxweynaha Soomaaliya
- Afhayeenka Xarakada Al-shabaab oo ku goodiyay inay weerarayaan Kenya haddii aysan ciidamadooda la bixin
- Wasiirka Difaaca Kenya oo sheegay inaysan raalligelin ka bixinayn faragelinta ay Soomaaliya ku sameeyeen
- Khilaafka ka dhashay cida maamuulaysa Jaamacada Berbera oo gaadhay heer maxkamada gobolka la iska dacweeyo
- Ra'iisul wasaaraha Kenya oo sheegay in ciidamadooda ay u galeen Somalia si ay ula dagaalamaan Al-shabaab