Wasiirka Difaaca Kenya oo sheegay inaysan raalligelin ka bixinayn faragelinta ay Soomaaliya ku sameeyeen


Talaado, Oktoobar 18, 2011 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga dalka Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo saxaafadda dalkiisa la hadlay ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku jiraan gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay inaysan raalligelin ka bixinayn faragelinta ay ku sameeyeen Soomaaliya.

"Ciidamada Kenya waxay ku jiraan gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan koox aan nabad doonayn oo gacanta ku haysa gobolada Koonfureed ee soo xiga Kenya," ayuu yiri Yuusuf Xaaji.

Boqolaal ka tirsan ciidamada dalka Kenya oo wata gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan taangiyo ayaa gudaha u soo galay Koonfurta Soomaaliya Axadii todobaadkan, kaddib markii ay wasiirka difaaca Kenya iyo wasiirka ammaanka ay sheegeen inay la dagaalamayaan Al-shabaab.

Wasiirka ayaa hadalkiisan wuxuu imaanaya xili ay ciidamada Kenya ay fariisimo ciidan ka sameysteen deegaanka Qooqaani oo soohdinta u jira in ka badan 200-km oo gudaha Soomaaliya ah.

Dhanka kale, ciidammo Kenyan ah oo wata gaadiidka dagaalka ayaa soo buuxiyay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaasoo ay gacanta ku hayeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.

Saraakiisha dowladda ee ku sugan degmadaas ayaa xaqiijiyay imaanasha ciidamada Kenya ee degmadaas, iyadoo soohdinta Soomaaliya iyo Kenya ee dhinaca gobolka Gedo ay noqonayso tii labaad oo ay ciidamada Kenya kasoo tallaabaan.

Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay in haddii Kenya ay ka bixin waydo ciidankeeda gudaha Soomaaliya ay qaraxyo la beegsan doonaan gudaha dalka Kenya iyagoo ka jawaabaya faragelintan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya