Jimco, November 04, 2011 (HOL) — Xubno ka tirsan Guurtida iyo Wakiilada, ayaa xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ahba ugu baaqay inay soo gaadhaan afar kun oo qoys oo ku dhibaataysan xaafada Maxamed Mooge ee duleedka magaalada Hargeysa.
Qoysaskan ayaa ah qaar ay soo barakiciyeen abaaraha ka dhacay dalka, kuwaas oo halkan nolol soo biday balse aan ku haysan wax ay ku noolaadaan.
Xubnahani waxay sidaasi ku sheegeen shirjaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa, Odayaashan golaha Guurtida ayaa soo tirikoobay kana xog waramay dhibaatada haysata iyo macaluusha ku gadaaman.
Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Yaasiin Dheeg oo ka waramay dhibaatooyinka haysta qoysaskan ay abaaruhu soo barakiciyeen ee ku nool Duleedka Maxamed Mooge, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi " xerada soke waxa degan (Kun iyo laba boqol iyo konton) 1,250 Qoys iyo dhawr boqol oo dambe oo la yidhi way soo dul dageen, Maayarka iyo dawlada hoose soo arkeen, ta shishe waa 1,800 qoys inta la qoray, iyaduna saddex boqol oo kale oo ku soo guuray ayaa jira, tiradaasi marka la isku daro waxay noqonaysaa afar kun oo Qays"
Waxa uu intaas ku daray ‘,Dawlada hoose dhulkii ay degi lahaayeen way u qorshaysay, laakiin dhulkii haddii aanu iskuul jirin oo caafimaad jirin waa dhibaato, marka waxaanu leenahay hay’ada caalamiga ah iyo kuwa gudahaba waxaan leeyahay wax ha la soo gaadhaan, anaguna waxaanu nahay odayaashii dadkaasi"ayuu yidhi Xildhibaan Yaasiin Dheeg.
Md: Maxamuud Cabdilaahi Qaalib oo isna dadkaasi ka hadlay waxa uu yidhi: "Dadkan dhibaato badan ayaa haysta warna lagama hayo, waxaan u malaynayaa ninka Maayarka ah mooyee in aanay cidina tagin, waxaanu idinku qaylo dhaan nimid in arrintaasi wax laga qabto oo dadka loo gurmado, muddo dheer ayey halkaasi yaaleen, walina cidi uma tagin, mar baa wax loo geeyey ayaa la igu yidhi, marka waa in dawlada si weyn wax uga qabato, waa in dadkaasi loo gurmado, inta aanay dhibaatadu halkaasi ka badan"ayuuu yidhi
Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay xildhibaanad Faadumo Jaamac Ileeye oo ka tirsan golaha Deegaanka, waxaanay sheegtay in dadkaasi u baahan yihiin gurman, isla markaana ay dhibaato weyn ku jirtaan.
"Dadkaasi waa afar kun iyo toddoba boqol oo Qoys, waxaanay yihiin dad reer Somaliland ah, macuul iyo gaajo ayaa haysa, marka wasaarada Arrimaha gudaha, dib u dejinta iyo cid kasta oo wax ka qabanaysa waa inay degdeg wax ula soo gaadhaan" ayey tidhi Faadumo Ileeye oo ka tirsan golaha Deegaanka.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Saleebaan Bukhaari oo xukuumada, ganacsatada iyo hay’adaha ku booriyey inay dadkaasi wax la qabtaan oo noloshooda la badbaadiyo.
Xildhibaan ugu da’da weyn golaha Guurtida Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa isaguna cid kasta oo arrintaasi wax ka qabanaysa soo dhoweeyey kuna dhiirigaliyey inay dadkaasi wax taraan, maadaama oo qoysas badan yihiin.
Qoysaska ayaa ka kala yimid miyiga Somaliland, deegaana soomaalida Itoobiya iyo Koonfurta Somalia, kuwaas oo dhamaantood ay soo barakiciyeen abaarta balaadhan ee dalka ku habsatay.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland