Jimco, November 04, 2011 (HOL) — Mudane Biloow Keeroow oo horay u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa sheegay inaysan wanaagsanayn in xilligan ay Kenya weerarto Soomaaliya, isagoo sabab uga dhigay hadalkiisa inay dhici karto in duulaankan ay Xarakada Al-shabaab ku hesho taageero.
Mr. Keeroow, wuxuu sheegay inay la qumanayd in Kenya ay ammaanka dalkeeda sugto iyagoo aan gelin gudaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in duulaankan uu sababi karo in xaaladdu ay kasii darto.
"Dunida oo dhan way ka dhacaan waxay Kenya sheegayso inay ugu duushay Soomaaliya, balse waxay ahayd inay xalliso dhibaatada iyadoo gudaha ku sugan," ayuu yiri Biloow Keerow oo sheegay inuu codsan lahaa in laga laabto duulaanka.
Xukuumadda Kenya ayaa go'aansatay todobaadyo ka hor inay gudaha u gasho dalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay kaga jawaabayso faragelinta ciidan sidii ammaanka dalkeeda ay u sugi lahayd, sidoo kalena ay u badbaadin lahayd khatarta ka imaanaysa Al-shabaab.
"Haddii Kenya ay doonayso inay sugto ammaankeeda waxay ka sugi kartaa gudaha, balse haddii ay weerarto Soomaaliya waxaa imaanaysa in qoxooti ka badan kuwa hadda dalka ku sugan ay soo galaan, taasna ay sababto in ammaanku uu faraha ka baxo," ayuu yiri Keeroow.
Sidoo kale, xildhibaankan hore oo laga soo dooran jiray gobolka waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa sheegay in dhawaan uu taliyaha ciidamada Kenya sheegay inay 10-casho kaga fikireen weerarka ay Soomaaliya ku qaadeen, isagoo hadalkaas ku sheegay mid lala baabo, wuxuuna yiri: "Masiirka dal dhan loogama fikiri karo toban maalmood iyo wax la mid ah."
Hadalka mudanahana ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Kenya ay laba jeer gudaha dalka kula galeen dagaal Xarakada Al-shabaab, iyadoo ay khasaare kasoo gaartay, balse saraakiisha ciidamada ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan khasaarahaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya