Dowladda Sierra Leone oo sheegtay inay ciidammo u dirayso Soomaaliya si ay uga mid noqdaan AMISOM

Jimco, November 04, 2011 (HOL) — Dowladda Sierra Leone oo ka mid ah dowladaha Afrika ayaa waxa sheegtay inay 850-askari u dirayso dalka Soomaaliya, si ay uga maid noqdaan howgalka ay ciidamada AMISOM ka wadaan Muqdisho.

Col. Ronnie Harleston oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Sierra Leone ayaa sheegay in ciidamadooda ay gaari doonaan Muqdisho bartamaha sanadka soo socda. ayna ka mid noqon doonaan 9,000 ee askari ee ka socda dalalka Uganda iyo Burundi.

"Ciidamadeennu waxay qayb ka qaadan doonaan howlgalka ka socd Soomaaliya, si loo soo celiyo nabadda dalka ay colaaduhu ka jireen 20-kii sano ee ugu dambeeyay," ayuu yiri Col. Harleston.

Hadalka dowladda Sierra Leone kasoo baxay ayaa imaanaya xilli ay dowladda Jabuuti iyaduna ku dhawaaqday inay ciidammo gaaraya 850-askari u dirayso Soomaaliya inta lagu jiro bishan si ay ugu biiraan AMISOM.

AMISOM oo ka kooban dalalka Uganda iyo Burundi ayaa wuxuu howlgalkeedu billowday sannadkii 2007, markaasoo ay gudaha Soomaaliya ku sugnaayeen ciidammo Itoobiyaan ah oo gacan siinayay dowladdii uu hoggaaminayay Col. C/llaahi Yuusuf.

Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa ballanqaaday inay ciidamada AMSIOM ee ku sugan Soomaaliya ay gaarsiin doonaan 12,000 oo askari, iyadoo saraakiisha AMISOM ay soo jeedinayaan in ciidamada la gaarsiiyo illaa 20,000 oo askari.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo difaaca dowladda Soomaaliya ayaa waxay dagaal adag kula jireen tan iyo billowgii sannadkan xoogaga Al-shabaab oo ka talin jiray inta badan Muqdisho, balse hadda waxaa magaalada inteeda badan ka taliya DKMG ah iyo AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya