Madaxweynaha Galmudug oo sheegay inuu gacan ka geysan doono sidii lagu xallin lahaa khilaafyada jira

Isniin, May 09, 2011 (HOL) Madaxweynaha maamulka Galmudug oo maanta dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in isaga iyo maamulkiisa ay ka shaqeynayaan sidii lagu xallin lahaa khilaafaadyada dalka ka jira, gaar ahaan kuwa u dhexeeya DKMg ah iyo maamul goboleedyada qaarkood.

Maxamed Axmed Caalin oo magaalada gaalkacyo kula hadlayay boqolaal qof oo ka tirsan taageerayaashiisa ayaa sheegay in maamulkiisa wixii maanta ka dambeeya uu u istaagayo sidii uu u xallin lahaa khilaafaadyada dalka ka jira oo dhan.

"Aniga iyo maamulka Galmudug waxaan u istaagaynaa wixii maanta ka dambeeya sidii aan u xallin lahayn khilaafaadyada jira, waxaa jira dad badan oo jecel in dhibaatada Soomaaliya ay sii jirto si ay u buburto," ayuu yiri Caalin.

Sidoo kale, madaxweynaha Galmudug wuxuu sheegay inay jiraan qolo dano gaar ah ka leh Soomaaliya, kuwaasoo ka shaqeynaya sidii aysan Soomaaliya nabad uga dhalan lahayn, inkastoo qolyahaas uusan si gaar ah u xusin magacyadooda.

"Xal u helidda arrimaha Soomaaliya waxay u taallaa Soomaalida, innaga ayaana nalaga doonayaa inaan dhameyno, waxaana naga go'an ka Galmudug ahaan inaan si gaar ah ugu istaagno dhameynta khilaafyada u dhexeeya iyo DKMG ah iyo maamullada dalka ka jira," ayuu madaxweynaha Galmudug khudbadiisa ku sheegay.

Maamulka Galmudug oo ka taliya qaybo ka tirsan gobollada Mudug iyo Galguduud ayaa xiriir wanaagsan la leh dowladda KMG ah, inkastoo uu ka mid ahaa maamulladii ka qaygalay shirkii wadatashiga ahaa ee ka dhacay Nairobi, kaasoo xukuumadda KMG ah diiday inay ka qaybgasho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya