Puntland oo go'doomisay deeganadii looga dhawaaqay Raasa-casayr State iyo weerarro laga cabsi qabo inay dhacaan

Isniin, May 09, 2011 (HOL) Maamulka Puntland ayaa cuna qabatayn xagga isgaarsiinta ah ku soo rogay deegaanadii dhawaan looga dhawaaqay maamul goboleedka Raas-casayr State ee gobolka Bari,xilli madaxwaynaha maamulkaasi uu sheegay in Raas-Casayr State iyo Puntland ay yihiin laba maamul oo daris ah.

"Puntland wax wada hadal ah la gali mayso cid kasta oo ka soo horjeedda jiritaankeeda,waana canbaaraynaynaa maamulka halkaa looga dhawaaqay "ayuu yiri wasiirka amniga Puntland oo warbaahinta qaar la hadlay.

Waxaa kaloo wasiirka uu sheegay in maamulka Puntland uu yahay mid dadka ay ku wada noolyihiin nabad ,isla markaana ciddii loo arko in ay qal-qal ku waddo laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga sida laga soo xigtay wasiirka.

Yuusuf Axmed Khayr oo ay ka muuqatay in uu aad uga xunyahay maamulkan looga garab dhawaaqay Puntland ayaa sheegay in dowladda ay qorshaysanayso sidii meesha looga saari lahaa maamulka cusub ee lagu magacaabo Raasa-Casayr State.

Warar ay maanta baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta ayaa lagu sheegay in Puntland ay weerari doonto goobaha maamulkaasi looga dhawaaqay ,isla markaana ay jiraan ciidamo goor horaba la diyaariyay,taasi oo uu ka gaabsaday wasiirka in uu si faah-faasan uga hadlo.

"Dowladda waxa ay wada hadallo la wadaa waxgaradka kasoo jeeda deegaanadaasi si loogu qanciyo in ay maamulkan ka tanaasulaan "ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka amniga Puntland oo dhaliil adag u jeediyay madaxda maamulkaasi.

Wasiirka amniga ayaa xusay in maamulkan cusub uu horseedi karo maamule kale oo looga dhawaaqo gudaha Puntland ,isagoo xusay in ay socdaan dadaallo la xiriira sidii maamulka uu u dar-dar galin lahaa maamul wanaagga.

Ugu danbayntii maamulkan Puntland ayaa u muuqda mid xoogga saaraya sidii meesha looga saari lahaa Raasa-casayr State ,lamana oga waxyaabaha ka soo bixi doona wada hadallada ay dowladda sheegtay in ay kula jirto odayaasha deegaanadaasi.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Soomaaliya