Isniin, May 09, 2011 (HOL) – Guddooomiyaha gobolka Gedo ee DKMG Soomaaliya ayaa sheegay inuu jiro khilaaf u dhexeeya ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Ceelwaaq, isagoo sheegay in khilaafkaas ay mas'uul ka yihiin maamul goboleed dhawaan looga dhawaaqay dalka Kenya ee Azaaniya.
Maxamed Cabdi Kaliil, oo la hadlayay saakay warbaahinta Muqdisho qaarkeed ayaa sheegay in maamulka Azaaniya uu xiriir la leeyahay Xarrakada Al-Shabaab uuna qorsheynayo inuu si fudud ula wareego degmada Ceelwaaq.
"Khilaafka u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan degmada Ceelwaaq waa mid uu ka dambeeyo maamulka Azaaniya, waana mid lagu doonayo in howlgalkii ciidamada dowladda ay ku qabsadeen degmooyin badan oo gobolka Gedo ka tirsan algu fashiliyo," ayuu yiri Kaliil.
Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in maamulka Azaaniya uusan ka shaqeyn doonin gobolka Gedo, isagoo xusay in gobolkan uu leeyahay maamul, aysanna ogolaanayn in maamul kale laga korkeeno.
"Dowladda Kenya ayaa gacan ku leh khilaafka u dhexeeya ciidamada DKMG ah ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo," ayuu hadalkiisa ku daray Kaliil oo intaa ku daray inay wadaan dadaallo ay ku xallinayaan khilaafkaas.
Khilaafka uu ka hadlay guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa sababay in habeen hore ay ciidamadii DKMG ah ee ku sugnaa deegaanka Buusaar ee degmada Ceelwaaq ay halkaas isaga baxaan, iyadoo guddoomiyuhu uu sheegay inay ciidamadu dib ugu laaban doonaan deegaankaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya