Wasiiradda Haweenka iyo Daryeelka Qoyska DKMG Soomaaliya oo xilkeedii lagu wareejinayo haweeney kale

Talaado, July 26, 2011 (HOL) – Warar hoose oo ay heshay Hiiraan Online ayaa sheegay in la qorsheynayo in xilka laga qaado wasiirradda haweenka iyo daryeelka qoyska ee DKMG ah Caasho Cismaan Caqiil, iyadoo lagu bedeli doono haweeney lagu magacaabo Maryan Aweys.

Isbedelkan ayaa la sheegay inuu yimid kaddib markii wasiirradii haweenka lagu xannibay degmada Balcad oo ka taliso Xarrakada Al-shabaab, iyadoo isbedelkan uu imaanayo xilli la ansixiyay xukuumadda la magacaabay.

Ehellada wasiirradii hore ayaa waxay sheegayaan inaysan soo aadi karin Muqdisho kaddib markii maamulka degmadaas ka taliya uu amar ku siiyay inaysan ka bixin gurigeeda, iyaduna ay door-bidday inay nafteeda badbaadsato.

Xil ka qaadistan ayaa waxay imaanaysaa xilli Marwo Caasho Caqiil aysan weli sheegin inay xilkeeda ka tanaasushay, balse waxay toddobaadkii hore sheegtay inaan lagala tashan xilka loo magacaabay.

Golaha wasiirrada DKMG ah ayaan weli ka dhaarin, kaddib markii lagu ansixiyay codad gaaraya 397-cod toddobaadkan billowgiisii. Waxaase wararku ay sheegayeen in isbedelkan uu dib u dhigay dhaarinta wasiirrada.

Dhanka kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in wasaaradda haweenka uu ka jiro musuqmaasuq dhinaca dhaqaalaha ah, taasoo sababay in shaqada la eryo agaasimihii guud ee wasaaraddaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya