Talaado, July 26, 2011 (HOL) – Dab xooggan oo geystay khasaare maaliyadeed ayaa saakay aroortii hore ka kacay dhismayaal ganacsi oo ku yaalla degmada Xamarweyn ee gobolka Banaadir, inkastoo uusan geysan wax khasaare nafeed ah.
Dabkan oo la sheegay inuu ka billowday maaso ay dhalisay koronto ayaa sababay inuu gubto dhisme saddex dabaq ka kooban oo ay ku yaalleen xarumo ganacsi oo carwooyin ah.
Carwooyinka gubtay ayaa waxaa ka mid ahayd carwo lagu magacaabo Risaala, waxaana maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen in qaybo badan oo dabkaas ka mid ah la demiyay, sidoo kale ay socdaan dadaallo guud oo lagu daminayo dabkaas.
Gaadiidka dambka dambiya oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa qayb ka ah ololaha lagu daminayo dabka oo weli socda, waxaana dabkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ka kaca suuqa Xamarweyne tan iyo markii dib u camirmay.
Afhayeenka ciidanka booliiska G/sare C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay inay socdaan dadaallo badan oo lagu dambinayo dabka, isagoo xusay in howlgalka lagula dagaalamayo dabka ay qayb ka qaadanayaan mas'uuliyiin dowladda ka tirsan.
Suuqa Xamarweyne ayaan la furin, iyadoo goobaha ganacsiga oo dhan ay xiran yihiin, dadkuna ay dagaal kula jiraan sidii dabka lagu damin lahaa, si looga badbaadiyo dhismayaasha kale ee ganacsiga.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya