Talaado, July 26, 2011 (HOL) – Barnaamijka cunnada adduunka ee WFP ayaa shaaca ka qaaday in maanta oo Talaado ah uu bilaabayo duulimaadyo dhinaca ah oo gargaar bani'aadamnimo lagu geynayo Magaalada Muqdisho, is loogu caawiyo dadka ay abaaruhu ku habsadeen.
![]() |
|
Madaxa WFP Josette Sheeran - Sawir hore |
Sheeran waxay sheegtay in gargaarkan mid la mid ah ay u diri doonaan dalalka Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Uganda oo ay iyaguna gilgileen abaaraha ku dhuftay Bariga Afrika.
"Xaaladda caruurta Soomaaliya ay ku nool yihiin ee aan soo arkay waa kuwii ugu darnaa ee aan abid arko," ayay tiri Sheeran oo intaas ku dartay. "Caruurta qaar ka mid ah waxay u soo socodeen muddo toddobaadyo ah goobaha ay ku sugan yihiin, waxaa haysa nafaqo-darro aad u daran."
Qarammada Midoobay ayaa horay u sheegtay in qiyaastii 3.7 milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah. Sidoo kalena malaayiin qof oo ku nool dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo Uganda ayaa u baahan gargaar aadamnimo.
Agaasimaha WFP waxay sheegtay inay la shaqeyn doonaan hay'adaha maxaliga ah ee ka howgala Soomaaliya si gargaar loo gaarsiiyo dadka ku nool gobollada ay ka taliso Xarrakatul Shabaab.
"Muqdisho waxaan ku arkay nin biyo ku dhaaminaya dameer, wuxuu badbaadinayo waa nolol. Sidaas oo kale ayaa loo baahan yahay in nolosha dadka loo badbaadiyo, mana joogto xaaladdu siyaasad ee waa naf badbaadin," ayay mar kale tiri Sheeran.
Xaaladaha abaareed ee ka taagan Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay midda ugu khatarsan dalalka Bariga Afrika, waxaana la sheegay in dadka qaarkood ay dhinteen markii ay gaajo awgeed socon waayeen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
