
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Raisul wasaare ku xigeenka xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, ahna wasiirka gaashaandhigga, Xuseen Carab Ciise ayaa shir guddoomiyay shir laba maalmood socday oo looga hadlay arrimo la xiriira ammaanka Soomaliya kaasoo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya labadii.
![]() |
|
Wasiirka Difaaca Somalia, Xuseen Carab Ciise |
Wasiirka gaashaandhigga DKMG ah ayaa ka codsaday beesha caalamka inay dhameystiraan dhaqaalihii ay ku deeqeen, si loo gaaro guulaha la doonaya in laga gaaro NSSP-ga, waxaa kaloo uu sharxay waasiirka in NSSP-ga ay soo gudbiyeen golaha wasiiradda haddana la sugayo in baarlamaanku uu ansixiyo isagoo beesha caalamka ka balan-qaaday in si dhaqsi ah loo hirgalin doono.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa furitaankii shirka wuxuu uga hadlay qorshaha nabadeynta Soomaaliya ee (NSSP) iyo sida dowladdu ay u wado hirgalinta arrintan, isagoo beesha caalamka sharaxaad ka siiyay howlaha amniga dalka iyo guulaha ay gaareen ciidanka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa AMISOM, wuxuuna uga mahadceliyay beesha caalamka taageerada ay siiyaan dowladda KMG ah.
Gabagabaadii shirka ayuu wasiirka gaashaandhigga DKMG ah wuxuu uga hadlay arin ku saabsan caruurta la askareeyo oo lagu eedeeyay dowladda Soomaaliya, isagoo goobta ka caddeeyay inaysan dowladda KMG ah askarey isla markaaa wasaaradda gaashaadhigga ay magacowday qof arrimahaas kala shaqeeya hay’adda UNICEF, si askareynta caruurta looga hortago.
Shirka ayaa lasoo gabgabeeyay maanta oo Khamiis ah, waxaana soo xiray ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda iyo ahna wasiirka gaashaandhigga dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
