Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Arbaca, December 14, 2011 (HOL)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ayaa u mudeeyey dadka hunguri ka hayo inay isku soo sharaxaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi inay ku keenaan araajidooda ay ku codsanayaan inay jagooyinkaasi u tartamayaan.
Ku simaha Xoghayaha guud ee UDUB Mr Cabdixaliim Maxamed Muuse ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku ogaysiinayo xubnaha Xisbiga UDUB in muddo 15 cisho gudahood ku keenaan araajidooda, isla markaana usoo gudbiyaan xafiiska xogyaha guud ee xisbigaasi.
Ku simaha xog hayaha guud ee UDUB Mr: Muuse waxa uu war-saxaafadeedkaasi ku sheegay in 15 cisho ku soo xareeyaan CV-googa qofkasta oo hunguri ka hayo labadan mansab ee ugu sareeya.
"Anigoo ka duulaya Xeerka Guud ee Xisbiga UDUB iyo Xeer-Hoosaadka Xulashada Musharaxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-Xigeenka iyo Go’aankii K/S Guddoomiyaha ee Shirkii Guddiga Fulinta 03/13/2011" ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.
Waxaana intaas lagu daray " Waxaan halkan si guud ugu baahinayaa inay Musharixiintii u taagnayd Jagada Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-Xigeen ee Xisbiga UDUB u soo gudbiyaan Codsiyadooda iyo CV-yadooda K/S Xoghayaha Guud ee Xisbiga Muddo Shan iyo toban maalmood gudahood (15 Maalmood) ah, oo ka bilaabmaya Salaasa 13 December, 2011. Cidda Muddadaas ku soo gudbin wayda lagama qaban doono wax Codsi ah." Ayaa ku soo xidhay ku simaha xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, Mr: Cabdixaliim.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland