Faahfaahin kasoo baxaysa dagaal saakay ciidamada DKMG ah iyo Xarrakatul Shabaab ku dhexmaray Gobolka Gedo

Arbaco, Abriil 27, 2011 (HOL) Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal ciidamada DKMG ah iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ku dhexmaray saakay deegaanka Tuulo-barwaaqo oo 20-km Koonfur kaga beegna degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Wararka ay helayso HOL ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku dhinteen in ka badan 12-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah tiro intaas ka badanna ay dhaawacyo kasoo gaareen, iyadoo wararka laga helayo degmadaasna ay sheegayaan in ciidank DKMG ah ay ku dileen deegaankii uu dagaalku ka dhacay dad shacab ah.

Maxamed Cabdi Kaliil oo sheegtay inuu yahay guddoomiyaha gobolka Gedo ee DKMG ah oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii saakay billowday ay hakiyeen roobab ka curtay gobolka Gedo, ayna qarka u saaran yihiin degmada Garbahaarey.

"Dagaalka wuu joogsaday... waxaana labad dhinac kasoo gaaray khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac," ayuu yiri Kaliil, oo intaas raaciyay: "Waxaan Xarrakada kaga dilnay dagaalkaas sodomeeyo ruux, dhankeenna waxaa hal askari ayaa nooga dhintay."

Inkastoo Xarrakatul Shabaab aysan wax war ah kasoo saarin dagaalka, ayaanay jirin ilo wareedyo xaqiijinaya guusha ay DKMG ah ka sheeganayso dagaalkii saakay ka dhacay duleedka degmada Garbahaarey.

"Hadda waxaa degmada Garbahaarey gacanta ku haysa Xarrakatul Shabaab, innaguna waxaan ku sugannahay meel 5-km u jirta," ayuu yiri Kaliil oo sheegay inay ka go'an tahay inay gudaha u galaan degmada Garbahaarey oo ah xarunta gobolka Gedo.

Mudane Kaliil ayaa beeniyay inay jiraan dad shacab ah oo ay ciidamada DKMG ah ku dileen deegaanka Tuulo-barwaaqo, balse wuxuu sheegay inay jiraan dhowr qof oo ay qabteen lana soo taagi doono maxkamad, isagoo xusay inay dili doonaan kaddib maxkamadeyntooda.

Wararka laga helayo goobjoogayaal ku sugan deegaannada lagu dagaalamay ayaa sheegaya inay jiraan gurmadyo labada dhinac soo kala gaaray, iyadoo dhinac walba uu doonayo

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya