Arbaco, Abriil 27, 2011 (HOL) – Kulan balaaran oo ay Arbacadii shalay yeesheen maamulka gobolka Togdheer, kan degmada Burco iyo waxgaradka gobolkaas ayaa looga hadlay abaaraha ka taagan guud ahaan gobolka Togdheer iyo sidii dadka ku nool loo gargaari lahaa.
Ugu horreyn, waxaa kulanka ka hadlay gudoomiyaha gobolka Togdheer oo ah guddoomiyaha guddiga abaraha ee gobolka Yasiin Muxumud Cabdi isagoo ka war-bixiyay xaalada abaareed ee ka taagan gobolka iyo halka ay marayso. Wuxuuna daboolka ka qaaday inay abaartu heer aad u daran marayso, taasoo sababtay in dad badani u soo hayamaan magaalooyinka iyo tulooyinka waaweyn.
Guddoomiyaha gurmadka abaaraha ee gobolkan ahna badhisaabka gobolka ayaa eedayn kulul u jeediyay ganacsatada gobalkan, isagoo ku eedeeyay inaysan qayb-toodii ka qaadan sidii dadka ay abaaruhu ku habsadeen loo taakuleyn lahaa, isagoo ganacsatada iyo hay'adaha gargaarka ugu baaqay inay qayb muhiim ah ka ciyaaraan sidii gacan loo siin lahaa dadka ay abaaraha gobolka ka jira ku habsadeen.
Suldaan Cismaan Suldaan Madar oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in haatan laga warqabo xaaladda abaareed ee ka jirta gobolka Togdheer, wuxuuna qaylo-dhaan u diray ganacsatada, qurbo-joogta iyo hay'adaha caalamiga ah isagoo sidoo kale madaxda gobolka Togdheer ka codsaday in la isku-dayo sidii loo samato-bixin lahaa dadka ku tabaaleysan gobolka, wuxuuna Suldaanku kula taliyaya maamulka gobolka inuu sameeyo xeryo kasoo cararaya deegaannada ay abaaruhu ka jiraan ee Somaliland.
Intii uu kulanku socday waxaa ka hadlay salaadiin iyo cuqaal ay ka mid yihiin suldaan Maxamed Guleed Mire iyo Suldaan Xasan Dhuux-yare oo labaduba sheegay in loo baahan yahay in kaalmooyin loo fudiyo dadka taagta daran ee ay abaaruhu ku dhufteen, kuwaasoo ku nool guud ahaan gobolka Togdheer.
Guddoomiyaha gobolka Togdheer ayaa intii uu shirka looga hadlayay abaaraha uu socday waxaa lagu wareejiyay lacag gaaraysa 1,800-Dollar, taasoo la sheegay inay ku deeqeen qurbo-joogta reer Somaliland ee ku nool dalak Swizerland.
Dhanka kale, iyadoo ay soo if-baxayaan warar sheegaya in roobabka guga ay ka curteen degmooyin ka baxsan Gobolka Togdheer, ayaa haddana waxaa maanta guddoomiyaha Togdheer Yasiin Muxumud Cabdi uu ku dhawaaqay in berri oo khamiis ah salaadda roob-doonka laga tukado guud ahaan degmooyinka hoosyimaada gobolka Togdheer.
Si kastaba ha ahatee, maahan markii ugu horreysay ee maamulka gobolka Togdheer, kan degmada iyo Burco iyo waxgaradku ay kulammo noocan oo kale ah ka yeeshaan xaaladda abaareed ee ka taagan gobolka Togdheer.
Niciima Cabdi Axmed, Hiiraan Online
[email protected]
Burco, Somaliland