Arbaco, Abriil 27, 2011 (HOL) – Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku yeeshay Muqdisho shalay shirar isaga soo horjeeda kuwaasoo qaarkood lagu taageerayay muddada halka sano ah ee ay xukuumaddu kororsatay iyo dib u dhigista doorashooyinka, halka kuwo kalena lagu taageerayo in doorasho la qabto inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan.
Mudanayaal kasoo horjeeda go'aanka dowladda ay ku kororsatay halka sano iyo dib u dhigista doorashooyinka oo kulan ku yeeshay Hotel Saxafi ayaa sheegay inay waajib tahay in la qabto doorasho lagu soo xuso madaxda cusub ee dalka, iyagoo kula taliyay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif inuu sharciga raaco.
"Xukuumadda waa inay aqbasho go'aanka baarlamaanka ee ah in doorasho la qabto inta aan la gaarin Ogoosto, qofkii nasiib u yeesha ayaana xilka kusoo baxaya, balse in sharciga laga horyimaado ma ahan mid la aqbali karo," ayay yiraahdeen xubnaha shirka ku yeeshay Hotel Saxafi.
Sidoo kale, xildhibaanadan ayaa waxay sheegeen in madaxda DKMG ah ay u furan tahay inay isku sharaxaan mar kale inay xilka qabtaan, balse haddii sharciga laga horyimaado ay taasi keenayso fowdo iyo dhibaatooyin cusub oo uu dalku lugaha la galo.
"Dowladdan waxaan ka filaynay inay wax wanaagsan qabato, balse wax ay qabatay oo muuqda ma jirto, waayo askariga DKMG ah ma joogo meel aan ahayn goobaha ay Muqdisho kaga sugan yihiin ciidamada AMISOM," ayuu yiri Muuse Suudi oo xusay in la raaco sharciga.
Xubnihii kulanka ku yeeshay Hotel Saxafi ayaa waxaa ka dhex muuqday xildhibaan C/raxmaan C/sharkuur Warsame, xildhibaan Ciise Weheliye Maalin, Jen. Yuusuf Max'ed Siyaad (Indhacadde), Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) iyo xubno kale oo badan, kuwaasoo u muuqday inay taageersan yihiin afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Dhanka kale, waxaa iyagana kulan ku yeeshay Hotel Nasahablood ee Muqdisho xildhibaanno u muuqday inay taageersan yihiin madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo xukuumadda KMG ah, waxayna soo jeediyeen in dib loo dhigo doorashada muddo hal sano, si loogu diyaargaroobo.
Xildhibaan Xuseen Carraale Caddaan oo ku hadlay afka mudanayaashan ayaa soo jeediyay inaan loo baahnayn in la burburiyo horumarkii ay xukuumadda KMG ah ka gaartay dhinacyada amaanka iyo dib u habeynta ciidamada mudadii ay jirtay.
Khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowlada KMG ah ayaa saameynta ugu xoogan wuxuu ku yeeshay 550-xildhihbaan ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo shirar kala gooni-gooni ah oo iska soo horjeeda ku leh magaalada Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya