Boqolaal dadweyne ah oo maanta taageero u muujiyay Siihayaha xilka Ra’iisal Wasaaraha Mudane C/waaxid

Cabirka Farta

Boqolaal dadweyne ah oo maanta taageero u muujiyay Siihayaha xilka Ra’iisal Wasaaraha Mudane C/waaxid

Talaado,October 05, 2010 (HOL) - Boqolaal ka tirsan bulshada reer Muqdisho ayaa maanta isugu soo baxay fagaare ku yaala inta u dhaxeysa Taaladii SYL iyo Tiyaatarkii Qaranka kuwaasoo taageero u mujiyay siihayaha xilka Ra’iisal Wasaaraha Mudane C/waaxid Cilmi Cumar (Goonjeex), iyagoo ugu baaqay madaxweynaha dowladda FKMG ah Sh. Shariif Sh. Axmed inuu R/wasaare u magacaabo Mr. Goonjeex.

Boqolaal dadweyne ah oo maanta taageero u muujiyay Siihayaha xilka Ra’iisal Wasaaraha Mudane C/waaxid
 
Dadkan oo isaga kala yimid degmooyinka ay maamusho dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxay wateen Boorar ay ku qornaayeen Ha noolaado C/waaxid, Ha la magacaabo C/waaxid iyo erayo kale, waxay sidoo kalena wateen Sawiro iyo funaanado ay ku xardhan yihiin sawirada C/waaxid.
 
Dadkan ayaa socod ku tegay Nawaaxiga Madaxtooyada waxayna ugu dambeyntii muujiyeen aragtidooda ku aadan banaanbaxa maanta iyagoo sheegay inay taageersan yihiin Mudane Goonjeex in uu noqdo R/Wasaaraha Cusub ee Dowaladda Soomaaliya.

Boqolaal dadweyne ah oo maanta taageero u muujiyay Siihayaha xilka Ra’iisal Wasaaraha Mudane C/waaxid
 
“Sababta aan ku taageereyno mudane C/waaxid waxay tahay waa nin daacad ah oo muddona siyaasada ku soo jiray” ayay tiri mid ka mid ah haweenkii ka soo qeyb galay banaanbaxa, iyadoo sidoo kale xustay in markii xilka loo dhiibay ay ciidamada dowladdu horumar ka sameeyeen goobaha dagaalka.

Boqolaal dadweyne ah oo maanta taageero u muujiyay Siihayaha xilka Ra’iisal Wasaaraha Mudane C/waaxid
 
Maxamed Xuseen Ugaas
[email protected]