Talaado, October 05, 2010 (HOL) Saddex bakhaar oo ka mid ah kuwa ganacsiga ee suuqa Bakaaraha ayaa ku gubtay madfac ku dhacay qaybta dharka ee suuqaas, waxaana gubtay inta badan dharkii ku jiray bakhaarradaas, sida uu sheegay mid ka mid ah ganacsatadii lahhayd hantida.
“Waxaa kusoo dhacay bakhaarada maadfac, dharkii ku jiray laba bakhaar oo ka mid ah dhammaantood waa gubteen, mid kalena waxaa laga badbaadiyay in yar” ayuu yiri ganacsade ka mid ah kuwii lahaa dharkii bakhaaradaas ku jiray.
Madfacan ayaa ka mid ahaa kuwo ay ciidammada AMISOM ku garaaceen suuqa Bakaaraha gallinkii dambe ee shalay, sida uu saxaafadda u sheegay Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) oo ah guddoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.
“Dabkan, wuxuu ahaa midkii ugu khasaaraha yaraa ee suuqa ka dhaca, wuxuuna socday muddo laba sacadood, damintiisana waxaa ka qaybqaatay gaadiidka dabka damiya oo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud,” ayay yiraahdeen ganacsatada Bakaaraha.
Guddoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha Cali dheere, wuxuu sheegay in ciidammada AMISOM ay si joogto ah u duqeeyaan suuqa ayna doonayaan inay cuyaamiyaan ganacsigiisa, iyadoo maalmihii ay dagaalladu socdeen uu ahaa suuqu mid xiran.
Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn ee Muqdisho ku yaalla, waxaa qaybo ka mid ah ganacsigiisa loo raray suuqyo kale, sida suuqa Xamarweyne oo muddo dheer ahaa mid aanu ganacsi ka jirin.
Maxamed Xaaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya