Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay qabsanayso suuqa Bakaaraha iyo dagaallo goos-goos ah oo socda

Talaado, October 05, 2010 (HOL) ­ Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in qorshahoodu uu yahay inay qabsadaan suuqa Bakaaraha oo ah midka ugu weyn koonfurta dlak Soomaaliya, ayna ku xooggan yihiin kooxaha dagaalka kula jira.

“Qorshaheyeennu waa inaan la wareegno gacan ku haynta Suuqa Bakaaraha, mana doonayno inaan dhacno ganacsatada, waxaanse doonaynaa inaan halkaas ka saarno kooxaha dagaalka nagula jira,” ayuu yiri taliye ku xigeenka ciidanka milateriga DKMG ah Col. C/kariim Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo saxaafadda la hadlay.

Militiamen that support African Union and government troops in Mogadishu

Abaanduuluhu, wuxuu sheegay in ciidamadoodu ay ku dhow yihiin suuqa, ayna guulo ka gaareen dagaallo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay la galeen kooxaha kasoo horjeeda, isagoo sheegay inay dagaallada sii wadayaan.

“Dagaalladii aan galnay maalmihii ugu dambeeyay waxaa nooga dhintay saddex askari, dhowr askari oo kalena way nooga dhaawacmeen, waxaana khasaare badan gaarsiinnay dhinacyada naga soo horjeeda, baro ciidanna waan kala wareegnay,” ayuu yiri Col. C/kariin Dhego-badan.

Afhayeenka Xarrrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh C/casiis Abuu-muscab oo isaguna la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inaysan jirin baro laga qabsaday, isagoo ku sheegay in hadalladaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo la doonayo in dunida dhaqaale looga raadsado.

Dhanka kale, waxaa saakay dagaallo goos-goos ah ay ka bilowdeen deegaannadii saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay dagaaladu ka socdeen, iyadoo dhinacyadu ay isku adeegsanayaan hubka culus iyo midka fudud, dadkii ku harsanaa xaafadahaasna ay bilaabeen inay barakacaan.

Inta la ogyahay, 40-qof ayaa ku dhintay dagaalladii saddexda maalmood socday, iyadoo ay ku dhaawacmeen 90-qof oo kale, waxaana qayb ka ah dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay dhinacyada ay dagaalladu u dhexeeyaan.

Maxamed Xaaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya