Madaxweyne Sheekh Shariif oo Somalia u matalaya shirka dalalka Carabta Berri uga furmaya Magaalada Sirta ee dalka Libya

Jimco, Mar 26, 2010 (HOL) Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay Magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda Magaalada Sirta ee dalka Libya oo ay kaga qaybgalayaan shirka Madaxda Carabta.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa inuu shirkaas ka jeediyo hadal ku saabsan xaaladda dalka Somalia halka ay marayso, iyadoo Wasiirada Arrimaha dibadda ee dalalka Carabta ay qoraallada ay ka doodayaan Madaxweynayayaasha Carabta ku dareen qodob ku saabsan in dhinaca dhaqaalaha laga taageero Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Axmed Jamaac (Jangeli) oo shirkii wasiirrada dibadda u matalay Soomaliya ayaa sheegay in qorshayaasha looga doodayo shirkan ay u badan tahay arrinta Qudus oo ay bilowday Yuhuuddu inay ka sameysato dhismayaal cusub.

"Shirka waxaa lagu wadaa in looga doodo in Soomaaliya laga taageero dhinaca dhaqalaaha maaddaama ay doonayso inay dib u soo celiso ammaankii guud ee dalka" ayuu yiri Jangeli.

Madaxweyanha ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto Muqdisho markii uu soo dhameysto shirkaas, iyadoo markaas kaddib ay ka billaaban doonaan Muqdisho kulan ay awoodda ku qaybsan doonaan Dowladda iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Sheekh Shariif ayaa dhawaan safar uu ku tagay dalka Britain kulammo la qaatay Jaaliyadaha halkaas ku nool, isagoo kaalmo lacageed kasoo helay madaxda dalkaas taasoo la sheegay in lagu kobcinayo ciidamada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya