Dowladda Uganda oo soo jeediyay in xalka Soomaaliya aan lagu raadin qori caaraddiis balse dib u dhis lagu sameeyo hay'adaha dowladda

Jimco, Mar 26, 2010 (HOL) Dowladda Uganda ayaa sheegtay in xaaladda Somalia aan lagu xallin karin xoog ciidan oo keliya, balse loo baahan yahay in dib u dhis lagu sameeyo hay'adaha Dowladda.

Sarkaalka ugu sarreeya ciidamada lugta dalka Uganda Lt. Gen. Katumba Wamala ayaa hadal uu ka jeediyay shir looga hadlayo horumarinta hay'adaha Dowladda Soomaaliya oo ka furmay Magaalada Kampala ka sheegay in dalkiisu uusan qabin fikirka ah in Soomaaliya lagu xallin karo hub iyo ciidamo.

"Xaaladda ka taagan dalka Soomaaliya waxaa looga bixi karaa iyadoo dib u dhis lagu sameeyay hay'adaha dowladda ee burbursanaa muddada 20-sano ku dhow" ayuu yiri Gen. Wamala oo sheegay in fikradaha sheegaya in ciidamo kale la geeyo Somalia aysan ahayn kuwo wax ka badali kara xaaladda Soomaaliya.

Gen. Wamala wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho aysan wax badan ka qaban xaaladda dalka, aysanna ka qaban karin, isagoo soo jeediyay in haddii ciidamo kale la geeyo Soomaaliya ay sababi karaan in xaalka ay sii murjiyaan.

Dalka Uganda ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidamo badan oo loogu talogalay inay wax ka qabtaan xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxaana uu hadalkan imaanayaa iyadoo Dowladdu ay sheegtay inay gacanteeda kusoo celin doonto Muqdisho.

Taliyahan wuxuu sheegay in fikirka ah in ciidamada Soomaaliya la badiyo uusan ahayn mid wax ka badali kara xaaladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidamo kale oo la geeyo ay tahay mid xagaldaac ku keeni karta waxqabadka Dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya