Jimco, Mar 26, 2010 (HOL) Sarkaalka ugu sareeya isku-dubaridka gargaarka aadamnimo ee Soomaaliya Mark Bowden ayaa sheegay in warbixintii laga diyaariyay xaaladda Soomaaliya ay adkeysay in gargaar la gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya.
Mr. Bowden oo Qarammada Midoobay u qaabilsan gargaarka Soomaaliya ayaa sheegay in warbixintaas qayb ka mid ah oo sheegaysay in gargaarka loogu talogalay Soomaaliya ay tahay been la dhoodhoobay.
"Warbixinta waa mid loogu talogalay in lagu sii adkeeyo gargaarka aadamnimo ee Soomaaliya iyo inaan la badbaadin dadka u dhimanaya nafaqodarrada" ayuu Bowden ku yiri warqad uu maanta u diray Wakaaladda Wararka ee AP.
Mark Bowden wuxuu sheegay in warbixintan ay ahayd mid ku-tiri-ku-teen ah oo laga soo ururiyay goobo meelaha fadhi-ku-dirirka ah, isagoo sheegay inay tahay mid aan habayaraatee xaqiiqo ku fadhin.
"Waxay sababatay warbixintan sida khaldan loo ururiyay inay sii adkaato xaaladihii bani'aadamnimo ee ka jiray Soomaaliya, ayna dadka dhibaateysan kor u sii daafayaan 3.7-Milyan qof" ayuu yiri Bowden.
Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in gargaarka aadamnimo ee loogu talogalay Soomaaliya ay gacanta u gasho kooxaha dowladda kasoo horjeeda sida Xibsul Islaam iyo Xarrakada Al-shabaab oo horay loo sheegay inay xoog ku qaataan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya