Sabti, 30 January 2010 (HOL)- Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad (Indhacadde) oo saxaafadda Muqdisho hadal siiyay ayaa sheegay in xukuumaddu ay soo dhaweynayso muddo ay Qarammada Midoobay u kordhisy Ciidamada AMISOM.
"Dowladda ayaa dalbatay in xilliga loo kordhiyo ciidamada AMISOM, codsigaas ayayna xubnaha golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay meel mariyeen" ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde.
Sarkaalkan wuxuu sheegay in halka sano ee ay AMISOM ku sugnaanayso dalka ay dowladdu kusoo afjari doonto kooxaha kasoo horjeeda, ayna la wareegi doonto dalka oo dhan, isagoo xusay in tallaabadaas la qaadayo todobaadyada soo socda gudahood.
"Waxaan u diyaargarownay inaan kooxaha naga soo horjeeda ka saarno goobaha ay dalka kaga sugan yihiin sida Magaalada Muqdisho" ayuu yiri Sheekh Indhacadde oo intaas ku daray in AMISOM ciidamadeedu ay qayb ka noqon doonaan howlgalkaas.
"Ciidamada AMISOM waa lasoo kordhinayaa, waxa ay qaban karaanna shaki kuma jiro, dalka ayay ka xoreyn doonaan Al-Qaacida iyo kooxaha Somalida ah ee la socda" ayuu hadalkiisa dabo-dhigay.
Madaxda Dowladda ayuu sheegay inay soo dhaweynayaan go'aankaas, ayna sidoo kale uga mahadcelinayaan beesha calaamka sida barax la'aanta ah ee ay u garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay tahay midda sharci ah.
Qarammada Midoobay ayaa khamiistii ku dhawaaqday inay muddo hal sano ah ugu dartay ciidamada AMISOM joogitaankooda Somalia, iyadoo mas'uulkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ka tirsan dowladda oo ka hadlay xilli kordhintaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya