Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay DFKMG ah sannadkii hore

Sabti, 30 January 2010 (HOL)- Ra'iisul wasaare ku xigeenka Dowladda Soomaaliya Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) ayaa ka warbixiyay waxqabadkii Dowladda Soomaaliya muddadii halka sano ahayd ee ay jirtay.

 

Prof. C/raxmaan Ibbi oo ka hadlay xafladdii lagu maamuusayay sannadguuradii 1-aad ee kasoo wareegtay markii la dhisay Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay ku guulaysatay inay xukuumada kusoo darto xubno ka tirsanaa mucaaradka.

 

"Dowladdu waxay ku guulaysatay muddadii sannadka ahayd ee ay shaqeynaysay inay meel mariso sharciga ku dhaqanka Islaamka, taasoo ay dowladdu u taagan tahay inay dhaqangeliso" ayuu yiri Prof. C/raxmaan Ibbi.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu ay ku guulaysatay in wax khilaaf ah aysan madaxdeedu soo dhexgalin, isagoo sheegay in taasi ay gundhig u tahay howsha ballaaran ee hortaalla dowladda in wadajir loo qabto.

 

"Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu magacaabay Guddoomiyaha hay'adda Garsoorka Qaranka oo ah hay'adaha waaweyn ee xukuumadda, waxaana xafladda ku sugan guddoomiyaha cusub oo howlihiisa garsoorka bilaabay" ayuu yiri Prof. Ibbi.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladdu ay hannaanka dib u heshiisiinta intiisa badan ku guulaysatay, ayna dowladda kusoo dartay xubno badan oo ka tirsanaa kooxaha kasoo horjeeda, qaarkoodna ay jagooyin sarsare ka hayaan dowladda Soomaaliya.

 

Wuxuu sheegay in dowladdu ay heshiis hordhac ah la gashay Culummada Ahlusunna laguna rajo-weyn yahay in dhawaan la hirgeliyo, isagoo aan wax faahfaahin ah ka bixin qodobbada heshiiska, balse uu ku sheegay in mid iskaashi ah oo labada dhinac dhexmary.

 

Dastuurka dalka ayuu sheegay in isbadal lagu sameynayo, ayna dowladdu dhistay guddiyo ka shaqeeya sameynta dastuurka, u qaadidda aftida shacabka iyo weliba hirgelintiisa.

 

Wasiirku wuxuu ugu dambeyn sheegay in howlo badan ay dowladdu soo qabatay, sannadkanna ay horyaallaan qorshayaal kale oo cusub, kuwaasoo ay ugu horreyso in wax laga qabto ammaanka guud ee dalka iyo dhismaha ciidamada Qalabka sida.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya