Khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay Nabadoonada Gobolka W/Bari ee Soomaaliya

Sabti, 30 January 2010 (HOL)- Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Maamulka iyo Nabadoonada gobolka bari ayaa maanta soo shaac baxay ka dib markii kulan ay yeesheen qaar ka mid ah Nabadoonada looga warbixiyay waxa uu ku saabsanaa khilaafkaasi.

 

Arintan ayaa ka dhalatay ka dib markii magaalada Bosasao ay xafiis cusub ka furteen Dhinac ka tirsan Nabadoonada ,taasi oo sababtay in khilaafka uu cirka isku sii shareero.

 

Nabadoonadii Maanta shirka ku yeeshay magaalada Bosaso waxaa ka mid ahaa Daahir jaamac,C/Casiis Afguduud ,Bashiir Dooxa Joog iyo Maxamed Warsame oo ka wada tirsan Nabadoonada ugu Caansan Gobolka Bari.

 

Khilaafkan ayey nabadoonadu ku eedeeyeen Maamulka ,iyagoo sheegay in dhex dooda loo kala dab qaaday ,waxayna ka codsadeen Maamulka gobolka in arintan la soo afjaro inta ay bilowga tahay.

 

Sidoo kale Nabadoon C/Casiis Afguduud ayaa sheegay in xafiiska cusub ee la furay uu yahay mid sharci darro ah ,isla markaana aaney aqoonsanayn ,isagoo ka digay in khilaafku uu intaa ka sii bato.

 

ilaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka gobolka Bari oo ku aadan arinta Nabadoonada, xilli si wayn looga dareemay gudaha magaalada Magaalada Bosaso oo ay xafiisyo kala duwan ka furteen.

 

Khilaafkaan soo kala dhex galay Nabdoonada gobolka Bari ayaa meesha ka saari karta wada shaqayn dhex marta Maamulka iyo golaha guurtida,waxaana uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo soo kala dhex nabadoonada tan iyo intii la doortay Madaxwayne Faroole.

 

 Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online

[email protected]

Boosaaso,Soomaaliya