Talaado 23, Feb 2010 (HOL) Guddoomiyihii hore ee Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ee Gobollada Dhexe Sheekh Cumar Sheekh Max'ed Faarax oo shir jaraa'id maanta ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hadafkii ay u dagaalamayeen uusan ahayn inay jagooyin ka helaan Dowladda.
Sheekh Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddo todobaad ah ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadafkoodu uu ahaa mid ay ku doonayaan inay ku badbaadiyaan diinta Islaamka, ayna dadka baraan.
"Ujeeddadii aan ula dagaallamaynay kooxaha dagaalka aan kula jirno ma ahayn inaan jagooyin iyo mansab kaga helno dowladda Soomaaliya, balse waxay ahayd inaan diinta Islaamka badbaadinno hadafkaasna kama leexanayno" ayuu yiri Sheekh Cumar Sheekh Max'ed Faarax.
Mas'uulkan wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabo walba oo sababaya in dowladda iyo Ahlusunna ay isku soo dhawaadaan, isagoo aan mucaaradin shirkii ka dhacay dalka Itoobiya ee dhexmaray dowladda iyo Ahlusunna, sidoo kalena ma sheegay inay ku qanacsan yihiin.
"Dowladdu waxaan ka doonaynaa inay garab nagu siiso sidii aan ula dagaalami lahayn kooxaha naga soo horjeeda, ayna diinta u faafin lahayn, inagoo raacayna jidadkii ay Islaamku diinta ku faafin jireen" ayuu yiri mas'uulkan.
Sidoo kale wuxuu sheegay inuu la kulmay markii uu Muqdisho yimid madaxda Dowladda sida Madaxweyne Sheekh Shariif, Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid iyo xubnaha kale ee dowladda ayna kawada hadleen xiriirka u dhexeeya Dowladda iyo Ahlusunna.
Wuxuu sheegay inay u sheegeen inaysan dowladda ka doonayn xil, balse ay aad ugu faraxsan yihiin inay isku soo dhawaadaan oo ay xiriir wanaagsan yeeshaan Dowladda iyo Ahlusunna Waljamaaca.
"Waxaan sheegaynaa wixii khalad ah ee ay dowladdu gasho, sidoo kale waxaan sheegaynaa wanaaggii ay sameysay, taasina waa waajib saaran dadka Soomaaliyeed oo dhan" ayuu yiri Sheekh Cumar oo sheegay in ujeeddada safarkooda ay qayb ka tahay in ay mideeyaan garabyada Ahlusunna.
Hadalka Guddoomiyihii hore ee Ahlusunna ayaa kusoo beegmaya iyadoo Dowladdu ay shaacisay in heshiis hordhac ah ay gaareen iyaga iyo Ururka Ahlusunna, kaasoo lagu wado in la saxiixo horraanta bisha soo socota ee Maarso.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya