Talaado, February 23, 2010(HOL): Madaxwaynaha DGPL Dr C/raxmaan Maxamed Max,ud Faroolle oo shalay soo gaaray magaalada Garowe ayaa maanta shir uu qabtay waxa uu kaga warbixiyay safaradii uu ku maqnaa ee dalka dibadiisa.
Waxa uu sheegay Madaxwaynaha in la soo dhamistiray heshiisyo qabyo ahaa, kuwaasi oo Puntland ay gashay Xilligii uu talada hayay Madaxwayne Cadde Muuse.
Dr C/raxmaan Faroole Madaxwaynaha Puntland ayaa Tilmaamay in waxyaabihii ugu waa waynaa ee uu ku maqnaa ay ka mid ahaayeen in Maamulka laga taageero amaanka ,Dhaqaalaha iyo la dagaalanka Burcad badeed.
"Waxaan rajaynaynaa in Muddo gaaban ay ku fulaan heshiisyadii aan soo galnay,kuwaasi oo faa,iido u ah danta guud ee Puntland " ayuu Madaxwaynaha yiri isaga oo ku sugan guriga madaxtooyada ee magaalada Garowe
Qodobada horyaala Madaxwaynaha waxaaa ka mid ah in uu la kulmo Odayaal ka soo jeeda gobalka Sanaag Bari ee Puntland, kuwaasi oo horay loogu diray in ay dhameeyaan khilaafaadyo ka jiray meelo ka mid ah gudaha Puntland.
Sidoo kale waxaa Madaxwaynaha looga fadhiyaa dhamaynta khilaafaadyo soo kala dhex galay Golaha xukuumada ,taasi oo hada laga dareemayo Magaalada Caasimada u ah Puntland.
Ugu Danbayntii Madaxwaynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Faroolle ayaa rajjo wanaagsan ka muujiyay halka ay wax marayaan ,Waxaana dadka Puntland uu ku buuriyay in laga wada shaqeeyo amaanka.
Faisel Maxamed Hassan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya
Madaxwayne Faroolle oo ka warbixiyay Safarkii uu ku Maqnaa iyo shaqo badan oo hor taalla Xukuumadiisa
More News
- SHEEKH CUMAR SHEEKH MAX'ED FAARAX: "Hadafkii aan u dagaallamaynay ma ahay inaan jagooyin ka helno dowladda Soomaaliya"
- Ururka xisbul Islaam oo iska fogeeyay eedeyntii ku aadanayd inay iyagu ka dambeeyeen Qaraxyadii ka dhacay Suuqa Bakaaraha
- Siminaar ku saabsan Xuquuqda Shaqaalaha oo Magaalada Kampala uga furmay Suxufiyiin iyo Xubno ka socda Ururada Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya
- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay Hargeysa (DAAWO SAWIRRADA)
- Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay in Dowladdu aysan lug ku lahayn khilaafka u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam
- Shirkadda Isgaarsiinta HORMUUD oo soo bandhigtay Adeeg cusub oo la magac baxay ZAAD (DAAWO SAWIRRO)
- Maamulka Gobollada Bay iyo Bakool ee Xarakada Al-Shabaab oo qaar ka mid ah xaafadaha Baydhabo magacyada ka badalay, kuna kordhiyay xaafado cusub
- Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo eedeyn u jeediyay Hay'adda UNPD kana dalbaday Madaxda dowladda Soomaaliya in dalka laga saaro