Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay in Dowladdu aysan lug ku lahayn khilaafka u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam

Talaado 23, Feb 2010 (HOL) Wasiir-u-dowlaha Dowladda Soomaaliya Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad (Indhacadde) oo saxaafadda Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in xukuumaddu aysan wax lug ah ku lahayn dagaallada u dhexeeya dhinacyada kasoo horjeeda.

Sheekh Yuusuf Indhacadda wuxuu sheegay in Dowladdu ay labada dhinac ugu baaayso inay joojiyaan colaadda dhexdooda ah, ayna sidoo kale qaataan go'aan ay kula heshiinayaan dowladda.

"Waxaa la yiri labadii Xaqdarro ku heshiisa xaq ayaa isku dira, dagaalka labadan kooxood ee dowladda kasoo horjeeda u dhexeeya waxaan u aragnaa inay qayb ka yihiin wixii ay ku heshiiyeen oo aanay daacad ka ahayn" ayuu yiri Sheekh Indhacadde.

Mar uu ka hadlay go'aankii Dowladda ee ahaa inay dagaal ku qaadayso dhinacyada kasoo horjeeda ayuu sheegay inay halkeeda tahay, oo aysan waxba iska badalin, wuxuuna ku sheegay qorshahaas inuu yahay mid lagu soo celinayo ammaanka dalka.

Wasiir-u-dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa hadalkiisan kusoo beegay iyadoo shir jaraa'id oo uu ku qabtay Muqdisho Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Dheere uu ku sheegay in qaraxyadii ka dhacay Suuqa Bakaaraha ay ka dambeeyaan Xisbul Islaam.

Ugu dambeyn Sheekh Yuusuf Indhacadde wuxuu sheegay in sidoo kale aysan dowladdu wax lug ah ku lahayn dagaalladii ka dhacay Gobolka Jubbada hoose gaar ahaan degmada Dhoobley, taasoo uu Sheekh Cali Dheere sheegay inay soo qaadeen ciidamo lagu soo tababaray dalka Kenya.

Khilaafkan cusub ee soo dhexgalay Xarrakatul Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ee ka dilaacay Muqdisho ayaa yimid kaddib markii lagu soo bandhigay Suuqa weyn ee Bakaaraha dad ku dhintay qarax Muqdisho ka dhacay oo mas'uuliyiinta Xarrakadu ay sheegeen inay ka dambeeyeen Xisbul Islaam lana doonayay in lagu waxyeelleeyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya