Dareenka Ardayda Puntland ee Qaraxii Hotel Shaamow ka dhacay sanadkii hore

Jimco, December 03, 2010 (HOL) –  Qaar ka mid ah ardayda waxbarata  jaamacadaha  Puntland ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya mar kale ardaydii iyo masuuliyintii ku geeriyooday qaraxii hotel Shaamow oo iminka la joogo mudo sanad ah.

"Waxaan aad ugu xumahay walaalihii iyo aqoonyahanadii qaraxaasi nooga geeriyooday ,anagoo aan ilaawi doonin bookta xanuunka badan ee umadeena soo gaartay" ayuu yiri C/naasir Siciid oo kamid ah ardayda wax ka barata Jaamacada Muqdisho University faraceeda Bosaaso.

C/naasir ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay in wali ay joogaan dadkii qaraxaasi ka danbeeyay,isla markaana uusan jirin wax sharci ah oo ilaa iyo hada la horgeeyay ,isagoo arintaa ku eedeeyay kooxaha islaamiyiinta ah ee ku sugan magaalada Muqdsiho ee caasimada Somaliya.

"Taariikhda ayaa qoraysa cidii ardayda iyo aqoonyahanada dilkasi u gaystay ,mana noqonayso in aan laga hadlin danbi wayn oo laga gaystay Soomaaliya " ayuu yiri isna Yaxye C/rixmaan oo wax ka  barta jaamacada East Africa ee Bosaaso.

Ardayda ayaa qaarkood sheegay in ay xus balaaran u samayn doonaan dhamaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi oo ay ku dhinteen dad aad u fara badan oo aqoonyahno u badnaa ,iyadoo ay jiraan saxafiyiin ay dhibaato ka soo gaartay Shaamow.

Sidoo kale waxaa jiray wasiiro dowlada ka tirsanaa oo ku geeriyooday hotel Shaamow,waxaana ka mid ahaa wasiirkii waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeen, wasiirkii hiddaha iyo tacliinta sare Ibraahim Xasan Caddow, wasiiraddii caafimaadka Qamar Aadan Cali iyo wasiiro kale oo xubno muhiim ah ka ahaa dowlada KMG ah.

Dhinaca kale deegaannada Puntland waxaa laga hadal hayaa warar sheegaya in nin yahuudi ah uu ka qayb qaadanayo colaadda ka jirta gobolka Mudug ,ninka yahuudiga ah ayaa lagu magacaabaa sida la sheegay Ediwin ,waxaana uu masuul ka yahay shirkad kaluumaysiga ka shaqaysa  oo Puntland ka howl gasha.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya