Jimco, 3, Dec, 2010 (HOL) Dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan intooda badan waxaa ay ku tiirsan yihiin xoolaha iyo tacabka beeraha, gaar ahaan waxaa xusid mudan waqtiyada ay jiraan abaaraha ka dhashay roob-yarida in ay xoola dhaqatadu bilaabaan in hadba ay u guur guuraan dhulka ay is leeyihiin wax xoogaa naqu wuu ku danbeeyaan ama waxaad ka heli kartaa baad iyo biyo intaba.
Laakiin hadda waxaad moodaa in xoola dhaqatada gobolka Hiiraan arintaa iyada ah quus badani ka soo food saartay kadib markii deegaannada intooda badan isku mid ka noqdeen abaarta jirta, waxaana ugu sii darray oo siweyn Jilaalku u saameeyay Lo'da oo la oran karo xoolaha waa teeda ugu nugul ee aan u adkeysan karin Oonka iyo abaarta markaa jirta.
Oday waayeel ah oo aan kula kulmay deegaan aan wax badan ka fogeyn degmada Maxaas ee goballka Hiiraan ayaa ii sheegay in uu isagu in dhahiisa saaray xoolo inta ceelka loo soo aruuriyay markii ay biyo cabeen aan midna dib uga laaban, taasoo micnaheedu yahay in dhamaantood ay halkaa ku wada dhinteen.
''Halka waa dhul sare oo caduun ah, wabi kama dhawa, mana jiraan bilayo hadda biyeeysan oo ay xooluhu ka cabaan, baadna warkiisa daa,'' ayuu yiri Odayga oo siweyn uga deyriyay nolasha xoola dhaqatada gobolka.
Waxaa uu sidoo kale intaa ku darray in xitaa qofka damca in uu xoolaha iska sii iibiyo uusan ku heli karin qiimo wanaagsan, waayo malaha ayuu yiri muuqaal iyo miisaan qiimo badan goynaya, sidaa daraadeed ayuu yiri nolasha dadka xoola dhaqatada ah waa mid adag.
Dhawaan markii aan ku safray wadada isku xirta Beledweyne iyo Maxaas oo qiyaastii isku jira 25-km, waxaa ay indhaheygu qabanayeen dhul qalal, geedo aan wax caleen ah laheyn, xoolo dhaqato hadba kaxeyneysa xeen Ari ama Lo'ah, kuwaasoo raadinaya meel ay ka helaan geedo doog wanaagsan leh oo ay xooluhu u daaqaan laakiin hubaashii ma muuqan in ay helayaan.
Sikastaba ha ahaateen in kastoo raxmada Eebe tahay mid mar walba la fisho oo aan laga quusan, haddana rajada xoola dhaqatada goballka Hiiraan runtii waxaa ay tahay mid ka duwan sidii ay aheyd sanadihii ka horeeyay, waxaana hubaal ah in xaalku ka sii darri doono haddii uu Jilaalku sii daba dheeraado.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya