Jimco, December 03, 2010 (HOL) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan), ayaa sheegay in maamulkiisa uu xoogga saari doono sidii uu dib ugu dhis ugu sameyn lahaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
"Waxaan dhisaynaa, Iskuullada, Isbitaallada iyo Jidadka, waayo waa goobo dadka ka dhexeeya, la'aantoodna lama heli karo bulsho isku xiran," ayuu yiri Tarzan oo ka hadlay xaflad ay xilalka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee warfaafinta C/ramxaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow) iyo wasiirka cusub C/kariin Xasan Jaamac.
Mudane Tarzan, wuxuu sheegay in dowladihii hore ee Soomaaliya ay ku fashilmeen iyadoo aan waxba laga qaban adeegyada guud ee dalka, kuwaasoo uu sheegay inay yihiin kuwo ka dhexeeya dalka, balse ay iyagu ku dadaali doonaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen dhismaha goobahaas.
"Goob walba oo ah, goobaha ka dhaxeeya shacabka dib u dhis ayaan ku sameynaynaa. Waayo waa waxyaabaha sababi kara inay dadku isku yimaadaan, ayna dalka wax u qabtaan, balse wax jeeb qofeed ku dhacay waxay ku filan yihiin qoyskiisa oo keliya," ayuu yiri duqa Muqdisho xildhibaan Tarzan.
Isagoo ka hadlayay, mas'uuliyiintii xukuumadihii hore ee dalka soo maray, ayuu sheegay inay kharashaadkii loogu talogalay in lagu dhiso Iskuullada, Isbitaallada, Waddooyinka iyo goobaha kale ee dadka u dhexeeya ay jeebka ku shubteen, taasna ay tahay midda fashilka ku keentay.
Ma ahan, markii ugu horreysay oo uu guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, uu sheego inuu dib u dhis ku sameynayo caasimadda Soomaaliya, waxaase dhawaan lagu eedeeyay inuu lunsaday hanti ay lahaayeen shacabka Muqdisho, taasoo ku jirtay Bankiga dhexe.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya