Tababar looga wacyi-gelinayay dhallinyarada Soomaaliyeed dagaallada ka socda dalka oo ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, 13 December, 2010 (HOL) − Tababar ay soo agaasintay hay'adda CCD, oo ay kasoo qaybgaleen boqolaal dhallinyaro ah, loogana wacyigelinayay dagaallada ka socda dalka iyo in dhinacyada iska soo horjeeda ay isticmaalaan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xildhibaano, odayaal-dhaqameedyo iyo culumaa'udiin, ayaa hadallo ka jeediyay furitaankii tababarkan, iyadoo ku boorriyay dhallinyarada loo qabtay inay iska jiraan in loo adeegsado dagaallada dalka ka jira, maadaama ay yihiin hoggaamiyeyaashii berri iyo mustaqbalkii dalka.

Hay'adda CCD, oo siminanarkan soo qaban-qaabisay ayaa siminaarkan ku saleysay illaa toddobo ajande, kuwaasoo ku wajahan xaalada dalka, gaar ahaan in la badalo fikiradaha dhallinyarada Soomaaliyeed si loogu adeegsanayo dagaallada.


Xildhibaan Xuseen Caraale Caddaan, oo ka mid ah mudanayaashii furay tababarka, ayaa hay'adda CCD, uga mahadceliyay kaalinta ay kaga jirto wacyigelinta bushada iyo dambinta colaadaha, isagoo ku dhiirrigeliyay inay howlahan sii-waddo.

"Bam la tuuray iyo qarax la dhigo midna Qaran laguma noqdo, ayaan dhallinyarada u sheegayaan, waxaana kula talinayaa inaan loo adeegsan dagaallada socda, balse ay noqondaan kuwii qayb ka qaadan lahaa damintooda," ayuu yiri mudane Carraale.

Nabad-doon Shariif Xuseen Jilacow, oo isaguna hadal u jeediyay dhalinyaradii kaso qaybgalay tababarka, ayaa hadalkiisa ku billaabay tix gabay ah, oo kaga hadlayay awoodda dhallinyarada iyo dagaallada ay ku dhimanayaan, isagoo ku boorriyay dhalinyarada inay wax-bartaan kana hortagaan in dagaal loo adeegsado, ama fikir aan sax ahayn laga dhaadhiciyo.


"Dhaqanka, waxaa asal u ah bulshada, hadda dhaqankii Soomaaliyeed ayaa la min-guuriyay, waxaana lagu badalay dhaqammo kale, iyadoo taas la eegayo ayaa laga doonayaa dhallinyaradu inay ogaadaan waxna bartaan, intii ay dalkooda burburin lahaayeen," ayuu yiri wakiilka Imaamka Axmed Cabdulle Maxamuud.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay nabad-doon Khaalid Cabdi Jimcaale, oo xusay in dhaqankii la baabi'iyay, isla markaana dhallinyaradii laga dhigtay ay xaabo dabka lagu holciyo, isagoo ugu baaqay dhalinyarada inay dalkooda u horseedaan nabada iyo xasilooni.

Ugu dambeyn, xildhibaan Salaad Cali Jeelle, oo ka mid ahaa mudanayaashii kasoo qaybgalay furitaanka tababarka, ayaa hadal ka jeediyay, isagoo sheegay inay muhiin tahay is-dhex-galka bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, iyo inay ka fogaadaan dagaalada ay ku lug leeyihiin.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed, ay noqdeen kuwo alga dhaadhiciyo fikrado iska soo horjeeda si loogu dagaalamo, wuxuuna sheegay inay taasoo kale ay ka dhacday dalal ay ka mid tahay Afganistaan, isagoo hay'adda CCD ugu baaqay inay badiso tababarrada noocan oo kale ah, ee wacyiga dhallinyarada lagu dhisayo.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya