Maamulka gobolka Mudug oo ku baaqay hir-gelinta heshiisyadii laga gaaray dagaallada Gaalkacyo

Isniin, 13 December, 2010 (HOL) −Gudoomiyaha gobolka Mudug Axmed Cali Salaad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay meel wacan marayaan dadaaladii gobolka ka socady ee lagu dhex dhexaadinayay beelaha dagaallamay.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in la dhameeyay wajigii hore ee heshiiska ,waxaana filayaa in la dhameeyo inta dhiman " ayuu yiri gudoomiyaha oo la hadlay warbaahinta Gaalkacyo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in odayaasha koonfurta ee Gal-Mudug ay si wanaagsan uga shaqeeyeen hirgalinta heshiiskii xabad joojinta ahaa ee labada dhinac la kala dhax dhigay.

Axmed Cali Salaad ayaa ugu baaqay odayaasaha gobolka in mid laga wada noqdo howlaha noocaan oo kale ah ,isagoo mahad balaaran u celiyay wafdiga DKMG ah ka socda ee ku sugan degmada Galkacyo.

"Ma filayo in mar danbe la isku fahmi waayi doono waxyaabo la xiriira dhul daaqsinka gobolka ku yaala,waana ka shaqayn doonaa in si nabad ah lagu wada joogo" ayuu hadalkiisa ku daray.

Mar uu gudoomiyaha ka waramayay booqosho ay ku taageen deegaanadii lagu dagaalamay ayuu sheegay in si wanaagsan loogu soo dhaweeeyay ,waxaana muuqata in odayasha gobolka ay ka midaysanyihiin howlaha nabadda ee iminka socda.

Maamulada Puntland iyo Gal-Mudug ayaa laga sugayaa hirgalinta heshiiskii lagu dhawaaqay,waxaana xubno ka mid ah dhinacyada dagaalamay oo kulmay ay aad u soo dhaweeyeen sida wax u socdaan.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya