Isniin, 13 December, 2010 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya kulan xasaasi ah kula yeeshay wasiirrada xukuumadda, isagoo ka dalbaday inay nabadda dalka ka shaqeeyaan.
Kulankan, oo loo diiday inay saxaafaddu goobjoog ka ahaato, ayaa waxaa markii uu soo xirmay si guud ula hadlay warbaahinta madaxweyne Sheekh Shariif iyo wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Fiqi, iyagoo sheegay in kulanka looga hadlay sidii lagu soo celin lahaa ammaanka dalka.
"Shirkan, wuxuu ahaa mid qado sharaf ah, waxaana kulan kula qaatay inta dalka kaga sugan wasiirrada dowladda, waxaana ku boorriyay inay muddada 100-ka maalmood ee ay horay u qabsadeen ay kusoo gabgabeeyaan sugidda ammaanka dalka," ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif.
Madaxweynaha, ayaa sidoo kale ku boorriyay wasiirrada inay xukuumad walba soo bandhigto waxqabadkeeda, isagoo xusay in xukuumaddan ay tahay mid muddada sagaalka bilood ah ee ka harsan KMG ah, looga fadhiyo inay ku dhameystirto howlaha horyaalla.
Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi, isla markaana kusime u ah xilka ra'iisul wasaarenimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumaddu ay waddo qorshayaal ay kula wareegayso dhammaan dalka.
"Waxaan wadnaa, qorshayaal aan ciidammada dib ugu habeynayno, sidoo kalena aan muddada saddexda bilood ah dib ugu soo celinayno ammaanka, sidoo kalena waxaan dadaal ugu jirnaa sidii askariga Soomaaliyeed uu xaqiisa ku heli lahaa," ayuu yiri Xaaji Fiqi.
Shirkan, ayaa dhacay iyadoo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ay safar laba maalmood ay isla shalay ku aadeen dalka Jabuuti.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya