Qarax lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Sabti, April 24, 2010 (HOL) Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay mid kalena wuu ku dhaawacmay qarax miino oo ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya lagula beegsaday maanta agagaarka Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Muqdisho.

Askarta dhintay iyo kuwa midka dhaawacmay ayaa waxay ka mid ahaayeen ciidamo saldhig ku leh jidka warshadaha, waxaana qaraxaas mas'uuliyaddiisa sheegatay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo sheegay in lala beegsaday qaraxaas oo ka badbaaday ayaa sheegay in miinada qaraxa sameysay la geliyay jidka dhiniciisa, lana doonayay in lagu dilo isaga.

"Qaraxa waxaa lagu dilay laba askari, mid kalena waa lagu dhaawacay, ma jirto cid kale oo ay waxyeello kasoo gaartay" ayuu yiri Max'ed Qatatow oo ah taliyaha lala beegsaday qaraxa, iyadoo saraakiil u hadlay Xarrakatul Shabaab ay sheegeen inay qaraxa ku dileen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Halka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku dhow laba saldhig oo ay ciidamada Dowladdu leeyihiin kuwaasoo furay markii uu qaraxu dhacay rasaas badan, balse aan geysan khasaare, iyadoo kooxihii fuliyay weerarka ay baxsadeen.

Dhanka kale, dagaal kooban oo ku dhexmaray degmada Dharkeynley ee Muqdisho ciidamo Madani ah iyo kooxo hubeysan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan hal qof oo ahayd haweeney, waxaana ku dhaawacmay hal qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya