SHEEKH AADAN MADOOBE: "Waxaan ahayn guddoomiyaha sharciga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya, mana jirto sabab igu kalifaysa inaan iscasilo"

Sabti, April 24, 2010 (HOL) Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu dhameynayo khilaafka u dhexeeyay Xildhibaannada Baarlamaanka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in kulammadaas ay yihiin kuwo ka socda Madaxtooyada laguna wado in dhawaan lasoo afjaro khilaafka oo gaaray heer aad u sarreeya, uuna baarlamaanku kulmi doono isagoo mideysan.

"Beesha caalamka ayaa soo dhexgashay khilaafka u dhexeeya Xildhibaannada Baarlamaanka, waxaana la filayaa in dhawaan meesha laga saaro" ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa gaashaanka ku dhuftay in waqtigiisii shaqo uu dhammaaday isagoo sheegay in arrintan laga gaari doono dhawaan heshiis, isagoo carrabka ku dhuftay inuu yahay guddoomiyaha
sharciga ah ee Baarlamaanka.

"Baarlamaanka xoog kuma haysano ee waxaan ku joognaa sharci waxaana na doortay xildhibaannada, mana jirto sabab igu kalifaysa inaan iscasilo, muranka jira dhawaan ayaan la xalinayaa" ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe.

Wuxuu guddoomiyuhu ka gaabsaday in baarlamaanku uu kulmi doono berri iyo in kale, isagoo sheegay in dhawaan uu baarlamaanku kulmi doono, iyadoo furitaanka kulanka baarlamaanka ee lagu ballansanaa ay ku beegan tahay Berri oo Axad ah.

Guddoomiyaha wuxuu ka hadlay dhismaha Dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay inay ka kooban tahay TFG iyo ARS, isaguna uu yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee Baarlamaanka, isagoo xusay inaysan jirin cid aqbali karta inuu burburo.

Sheekh Aadan Madoobe wuxuu ku eedeeyay Saxaafadda inay waddo buunbuunita khilaafka xildhibaannada, isagoo sheegay in loo baahan yahay inay qayb ka qaadato qaboojinta khilaafka u dhexeeya Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya