Sabti, April 24, 2010 (HOL) Mudanayaasha ka tirsan baarlamaanka dalka Mosambiik xubnana ka ah Baarlamaanka Afrika ayaa ka dalbaday dowladdooda inay ciidamo nabad ilaalin ah u dirto Soomaaliya si ay uga mid noqdaan ciidamada AMISOM.
Haweeneyda guddoomiyaha ka ah Baarlamaanka dalka Mosambiik Veronica Macamo ayaa Jicmihii ugu sheegay warfidiyeen Magaalada Maputo ee xarunta dalkaas in codsiga ay u gudbiyeen dowladdooda uu yahay mid kasoo baxay shirkii Pan-African Parliament ee lagu qabtay 12 illaa 20-kii bishan dalka Koonfur Afrika.
"Afrika waxay indhaha ku haysaa Soomaaliya, waa dal ay ka jiraan dhibaartooyin aad u daran, xalaadduna waa mid muddo dheer qasnayd oo aan caadi ahayn" ayay tiri Veronica Mocamo iyadoo intaas daba-dhigtay :
"Waxaan diraynaa ciidamo nabad ilaalin ah, waayo dhinacyada dagaalamaya waxay yeesheen wadahadallo, balse heshiisyadii ay kala saxiixdeen ma noqon kuwo u fulay sidii la doonayay, waxaana xoogeysatay qulqulatooyinka".
Veronica Mocamo, waxay sheegtay in dirista ciidamada Mosambiik ay wadatashi ka leeyihiin madaxda dalkaas: "Wixii wadahadalka kasoo baxa ayaan sugaynaa" ayay wariyeyaasha ugu sheegtay Maputo.
Ciidamada AMISOM oo socda dalalka Uganda iyo Burundi ayaa waxay gacan siiyaan Dowladda Soomaaliya oo gacanta ku haysa qayb yar oo Muqdisho ka tirsan, waxayna tiradoodu gaaraysaa 5,300-askari, kuwaasoo laga dilay 51-askari illaa markii ay bilaabeen howlaha nabad ilaalineed ee Soomaaliya ay ka hayaan.
Ururka Midowga Afrika ayaa dhowr jeer oo hore ka dalbaday dalalka Afrika inay dhameystiraan ciidamada nabada ilaalinta ah ee ku sugan Soomaaliya lana gaarsiiyo tiradooda 8,500-askari, iyadoo dalal dhowr ah ay ka baaqsadeen inay ciidamo geeyaan Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya