3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2009
Qoysas ka soo barakacay deegaano ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo maanta gaaray degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Talaado, December 22, 2009(HOL): Qoysas kasoo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool oo ka soo barakacay degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee ay maamusho Puntland ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.
 
Qoysaskan oo ay wadeen in ka badan 10-baabuur oo nooca waaweyn ah ayaa dib ugu laabtay deegaannadooda, iyagoo sheegay inay kasoo carareen deegaannadaas Puntland oo dhibaatooyin loogu geystay.
 
"Waan kasoo cararnay deegaankii aan ku noolayn ee Puntland, waxaana kusoo laabanay deegaankeenna, waana caafimaad qabanaa" ayuu yiri ruux ka mid ah dadkii soo barokacay oo warbaahinta uga warbixiyay barokacooda.

Dadkan waxay sheegeen inay ahaayeen ganacsato hanti ku lahaa Gaalkacyo balse ay la kulmeen dhibaatooyin faro badan oo kaga imaanayay dadkii ay la noolaayeen muddada dheer lagana burburiyay goobahoodii ganacsi.
 
Malaaq Cali Muumin oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Bakool ayaa hay'adaha gargaarka uga dalbaday dadkan dib ugu soo laabtay deegaannadooda inay gargaar deg-deg ah la soo gaaraan, isagoo sheegay inay yihiin dad aan waxba wadan.
 
"Hay'adaha gargaarka ee ku sugan gobolka waxaan ka codsanaynaa inay gargaaraan dadkan kasoo barokacay Punland, sidoo kalena dadka ALLE uu wax siiyay waa inay iyaguna dadkan gargaaraan" ayuu yiri Malaaq Cali Muumin.

Maamulka Puntland, gaar ahaan midka Gobolka Mudug ayaa dhawaan ku wargeliyay dadka kasoo-jeeda Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya inay ka baxaan deegaannada ay ka taliyaan, iyagoo ku eedeeyay inay lug ku leeyihiin falal amni darro ah oo dhawaanahan ka dhacay deegaanno ka tirsan Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/22/2009 7:40 AM EST
Talaado, 22 December 2009 (HOL)- Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin, ayaa maanta booqasho ku yimi Magaalada Hargeysa.

12/22/2009 7:07 AM EST
Talaado, December 22, 2009(HOL): Madaxa amaanika maamulka ururka Xisbul Islaam ee deegaanka Ceelasha biyaha Sheekh Ibraahim Max'ed Aadan ayaa ka warbixiyay weerar bam xalay lagu tuuray saldhiggaas, isagoo sheegay in wax khasaare ah uusan geysan.

12/22/2009 7:06 AM EST
Talaado, December 22, 2009(HOL): Ugu yaraan 3-qof oo rayid ah ayaa ku dhintay duqeymo maanta loo geystay xaafad ka tirsan degmada Dharkeynley oo lagu magacaabo Kaxda, waxaana duqeyntaas ku dhaawacmay 7-qof oo iyaguna shacab ahaa.

12/22/2009 7:04 AM EST
Talaado, December 22, 2009(HOL): Maamulka degmada Afgooye oo hoostaga Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta xabsiga u taxaabay tobaneeyo ruux oo ka mid ah ganacsatada jaadka ee degmadaas, kadib markii lagu helay iyagoo jaad ku iibinaya gudaha degmadaas.

12/22/2009 6:19 AM EST
Talaado, December 22, 2009(HOL): Howgalladani ay maanta bilaabeen ciidamada amaanka Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka ayaa waxay ku baadigoobayeen ragga qaata saraawiisha lugaha dhaadheer kuwaasoo maamuulku uu horay qaadashadooda digniin uga soo saaray, iyadoo howlgalladaasi ay ciidamada u adeegsanayaan maqas kasoo ay ku jarayaan saraawiisha lugaha dhaadheer ee ay ku labistaan qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

12/22/2009 5:43 AM EST
Talaado, December 22, 2009(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Moses Watengula ayaa shaaca ka qaaday in ay dowladdiisa sii wadeyso baaritaannada ay ku hubineyso dadka ka soo cararaya Soomaaliya ee qaxooti ahaanta u soo gelaya Dalkeeda.

12/22/2009 2:55 AM EST
Talaado, December 22, 2009(HOL): Maamulka wilaayada islaamiga ah ee gobollada jubooyinka ayaa maanta Howlo Raashin qeybin ah ka bilaabeen guud ahaanba Shanta xaafadood ee ay ka koobantahay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.

12/22/2009 2:49 AM EST
Talaado,Tuesday, December 22, 2009(HOL): Ciidamada Amisom iyo Xoogagga ka soo horjeeda ayaa waxay madaafiic isku weydaarsanayaan xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho.

12/22/2009 2:11 AM EST
Talaado, 22, Dec, 2009 (HOL) Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya Afrax Cali Afrax oo uga warramay Warbaahinta dagaallo maalintii shalay ku dhaxmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, ayaa sheegay in uusan aheyn dagaal u balaaran sida warbaahintu u buunbuunisay.

12/22/2009 1:47 AM EST
Talaado, 22, Dec, 2009 (HOL) Waxaa goor dhaw kooxo hubeysan ku toogtay gudaha Maqaaxi uu ku jiray Alle ha u naxariisteen Sarkaal lagu Magacaabi jiray Cali Afweyne oo horay uga tirsanaa Maamulkii Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow, laakiin waqtiyadan danbe ahaa Madaxa Ilaalada Hay'adda WFP Xarunteeda Magaalada Beledweyne.