6/5/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2009
Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya oo socdaal ku yimid Magaalada Hargeysa (DAAWO SAWIRADA)


Talaado, 22 December 2009 (HOL)- Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin, ayaa maanta booqasho ku yimi Magaalada Hargeysa.

Weftigan oo ay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyeen Shirguddoonka Baarlamaanka Somaliland, Xildhibaanno Golaha Wakiilada ka tirsan, Wasiirrada, Maaliyadda Cawil Cali Ducaale, Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Maayarka Hargeysa iyo Masuuliyiin kale oo ka socday Xukuumadda iyo Baarlamaanka Somaliland, ayaa la sheegay inay la kulmi doonaan Madaxda Somaliland.

Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin oo Warbaahinta wax ka waydiisay sababta socdaalkooda, ayaa sheegay in ay tahay booqasho la xidhiidha Somaliland iyo sidoo kale xog-ogaal u noqoshada Qaxootiga ka soo qaxay Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho. Waxaanu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashadan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isna halkaa hadal kooban ka jeediyay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada Weftigan, waxaanu xusay in Somaliland iyo Kenya uu ka dhaxeeyo xidhiidh qoto dheer, isla markaana dadkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee Caasimadda Kenya ee Nairobi degaa ay dhalasho ahaan ka soo jeedeen Somaliland.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cawil Cali Ducaale oo isna hadal soo-dhawayn ah halkaa ka jeediyay, ayaa sheegay in Weftigani loo baahan yahay in ay dalkooda gaadhsiiyaan arrimaha Somaliland iyo tallaabooyinka horumarka leh ee ay ku tallaabsatay dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda.

Weftigan ayaa intay dalka joogaan la kulmi doona siday wararku sheegayaan Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Rayaale.





Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland













Click here
12/22/2009 7:30 AM EST
Talaado, December 22, 2009(HOL): Qoysas kasoo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool oo ka soo barakacay degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee ay maamusho Puntland ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

12/22/2009 7:07 AM EST
Talaado, December 22, 2009(HOL): Madaxa amaanika maamulka ururka Xisbul Islaam ee deegaanka Ceelasha biyaha Sheekh Ibraahim Max'ed Aadan ayaa ka warbixiyay weerar bam xalay lagu tuuray saldhiggaas, isagoo sheegay in wax khasaare ah uusan geysan.

12/22/2009 7:06 AM EST
Talaado, December 22, 2009(HOL): Ugu yaraan 3-qof oo rayid ah ayaa ku dhintay duqeymo maanta loo geystay xaafad ka tirsan degmada Dharkeynley oo lagu magacaabo Kaxda, waxaana duqeyntaas ku dhaawacmay 7-qof oo iyaguna shacab ahaa.

12/22/2009 7:04 AM EST
Talaado, December 22, 2009(HOL): Maamulka degmada Afgooye oo hoostaga Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta xabsiga u taxaabay tobaneeyo ruux oo ka mid ah ganacsatada jaadka ee degmadaas, kadib markii lagu helay iyagoo jaad ku iibinaya gudaha degmadaas.

12/22/2009 6:19 AM EST
Talaado, December 22, 2009(HOL): Howgalladani ay maanta bilaabeen ciidamada amaanka Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka ayaa waxay ku baadigoobayeen ragga qaata saraawiisha lugaha dhaadheer kuwaasoo maamuulku uu horay qaadashadooda digniin uga soo saaray, iyadoo howlgalladaasi ay ciidamada u adeegsanayaan maqas kasoo ay ku jarayaan saraawiisha lugaha dhaadheer ee ay ku labistaan qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

12/22/2009 5:43 AM EST
Talaado, December 22, 2009(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Moses Watengula ayaa shaaca ka qaaday in ay dowladdiisa sii wadeyso baaritaannada ay ku hubineyso dadka ka soo cararaya Soomaaliya ee qaxooti ahaanta u soo gelaya Dalkeeda.

12/22/2009 2:55 AM EST
Talaado, December 22, 2009(HOL): Maamulka wilaayada islaamiga ah ee gobollada jubooyinka ayaa maanta Howlo Raashin qeybin ah ka bilaabeen guud ahaanba Shanta xaafadood ee ay ka koobantahay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.

12/22/2009 2:49 AM EST
Talaado,Tuesday, December 22, 2009(HOL): Ciidamada Amisom iyo Xoogagga ka soo horjeeda ayaa waxay madaafiic isku weydaarsanayaan xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho.

12/22/2009 2:11 AM EST
Talaado, 22, Dec, 2009 (HOL) Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya Afrax Cali Afrax oo uga warramay Warbaahinta dagaallo maalintii shalay ku dhaxmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, ayaa sheegay in uusan aheyn dagaal u balaaran sida warbaahintu u buunbuunisay.

12/22/2009 1:47 AM EST
Talaado, 22, Dec, 2009 (HOL) Waxaa goor dhaw kooxo hubeysan ku toogtay gudaha Maqaaxi uu ku jiray Alle ha u naxariisteen Sarkaal lagu Magacaabi jiray Cali Afweyne oo horay uga tirsanaa Maamulkii Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow, laakiin waqtiyadan danbe ahaa Madaxa Ilaalada Hay'adda WFP Xarunteeda Magaalada Beledweyne.