Talaado, 22, Dec, 2009 (HOL) Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya Afrax Cali Afrax oo uga warramay Warbaahinta dagaallo maalintii shalay ku dhaxmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, ayaa sheegay in uusan aheyn dagaal u balaaran sida warbaahintu u buun buunisay.
Afrax Cali Afrax waxaa uu intaa ku daray in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya isku dayeen in ay soo weeraraan fariismo Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin Wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho si ay u carqaladeeyaa ayuu yiri isu socdka wadada oo ah tan kaliya oo ay isticmaalaan dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho.
''Waad Og-tihiin kooxaha Dowladda ka soo horjeeda haddii ay Meel Qoriga Sabanka ah ka soo tuuraan markiiba Warbaahinta ayeey kula cararaan si ay ugu helaan wax xoogaa dhaqaale ah' ayuu yiri Afrax Cali Afrax oo sheegay in kooxahii weerarka ku soo qaaday dhirbaaxo lagu dhuftay.
Laakiin Af-hayeen Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Cali Max'uud Raage (Shiikh Cali Dheere) ayaa sheega in ay weerareen sida uu hadalka u yiri Xarumo dadka lagu dhibi jiray islamarkaana baad looga qaadan jiray, waxaana uu intaa raaciyay in dagaalkii maalintii shalay dhacay ay ku dileen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda islamarkaana ay ku furteen hub iyo saanad intaba.
Wararka iska soo horjeeda ee ka soo kala baxaya Saraakiisha Dowladda Soomaaliya iyo Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin ayaa muuqanaya kuwa loogu talagalay uun Warbaahinta, laakiin waxaa xusid mudan in saakay wadadu tahay mid furan oo isticmaalayaan gadiidka isaga goosha Muqdisho iyo Afgooye, walow haddana wali xiisado taagan tahay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Dowladda Soomaaliya iyo Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
More News
- Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya oo socdaal ku yimid Magaalada Hargeysa (DAAWO SAWIRADA)
- Qoysas ka soo barakacay deegaano ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo maanta gaaray degmada Xudur ee Gobolka Bakool
- Ururka Xisbul Islaam oo ka warbixiyay bam xalay lagu weeraray saldhig ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho
- Duqeyn iyo dagaal khasaare nafeed geystay oo maanta ka dhacay degmada Dharkeyley ee Magaalada Muqdisho
- Maamulka Degmada Afgooye oo maanta xabsiga u taxaabay tobaneeyo ka mid ah ganacsatada jaadka ee degmadaas
- Ciidamada Ammaanka magaalada Kismaayo oo bilaabay howgallo lagu Baadigoobayo Ragga ku labisan Saraawiisha lugaha dhaadheer oo uu maamulku horay u mamnuucay
- Dowladda Kenya oo sheegtay in ay baareyso dadka ka soo cararaya Soomaaliya ee dalkeeda soo gelaya
- Wilaayada Islaamiga ah ee Gobollada Jubbooyinka oo Deeq Raashiin ah gaarsiisay xerooyinka ay ku nool yihiin Dadka Barakacayaasha ah ee ku yaal Magaalada Kismaayo
- Duqeyn goor dhaweyd ka bilaabatay Magaalada Muqdisho
- Sarkaal horay uga tirsanaa Maamulkii Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Beledweyne.